Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Gaas oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay (Masawiro)

October 13, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu gogaaminayo ayaa maanta 13 Oct 2018 dalka dib ugu soo laabtay, kadib safar shaqo oo uu muddo 10 cisho ah ugu maqnaayeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Maxweynaha iyo weftigiisa ayaa garoonka diyaaradaha Garoowe Janaraal Maxamed Abshir waxaa kusoo dhoweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, Guddoomiye Kuxigeenka koowaad iyo labaad ee golaha Wakiilada Puntland, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, masuuliyiin ka tirsan ururada bulshada rayid ka ah, taliska ciidamada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn ka hadlay muhiimadda safarkii ay isaga iyo weftigii uu hogaamianyey ku tageen magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, Madaxweynaha ayaa sheegay in ay halkaasi kulamo kala duwan kula qaateen beesha caalamka sida safaaradaha Soomaaliya u qaabilsan dalal badan oo adduun ka ah, hay’addo caalami ah, kuwaas oo madaxweynuhu la qaatay kulamo muhiim ah oo looga wadahadlay arrimo khuseeya Puntland iyo Soomaaliya oo dhanba.

“Muddo ku dhaw 10 berri ayaan ku maqnayn magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, dabcan waxaanu meeshaasi isku soo aragnay beesha caalamka oo qaybo kala duwan leh, safaarado kuwaas oo Soomaaliya u qaabilsan dalal badan , hay’addaha caalamiga ah ‘NGO’ oo Soomaaliya arrimahooda khuseeya, Waxa aan kala hadleyney waxa ay ahayd danta caamka ah ee Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland, hawlo badan oo horumarin ah ayay dalka ka wadaan, safarkaasi wuxu ahaa safar guul ah safar shaqo oo wanaagsan” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali gaas ayaa ciidamada amaanka Puntland, shacabka iyo masuuliyiinta dawladdaba ku bogaadiyey ka shaqaynta amniga, xasiloonida iyo horumarinta Puntland, Madaxweynaha ayaa si gaar ah ciidamada Puntland ugu amaanay shaqada wanaagsan ee ay ka qabteen amaanka iyo difaacidda dalkooda.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Codka Madaxweynaha.

Leave a comment

*

Archives
October 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online