Madaxweynaha Puntland oo Daah Furay Qabyo Tirka Xeerka Cashuuraha Moorka.(Masawiro)

October 2, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariihdu tahay 2 October 2018 xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ka daah furay qabyo tirka xeerka cashuuraha moorka, xeerkaas oo ah xeer ladhaqan galiyey 1966.

Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey daah furkan qaar kamida goloyaasha Dowladda Puntland, Guddoomiyeha koobaad ee golha wakiilada Dowladda Puntland, xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, maamulka degmada Garoowe iyo kan gobolka Nugaal iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Daahfurka qabyo tirka xeerka cashuuraha moorka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland, ayaa waxaa looga doodayey qaabka looga faa’iidaysan karo iyo waxtarka uu leeyahy waxayna dhammaan masuuliyiintii ka hadlay madasha daahfurka isku raaceen in xeerkan uu yahay mid wax badan ka badalay dhaqaalaha Dowladda Puntland, adkeenayana nidaamka canshuur qaadista.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad muhiima uu dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey madasha daahfurka  ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa”

“Dhab baan idin salamayaa dhammaantiin waana ku faraxsanahay inaan kasoo qayb galno xafladan daahfurka dhaqan gelinta canshuurta Wasaarada Maaliyada iyo intii sooqaban qaabisay way ku mahadsan yihiin, waxaan ku faraxsanhay oo kale in badan oo ah wax gardkii iyo hay’adihii ku shaqada lahaa dhaqan gelinta xeerkan inaad halkaan fadhidaan, sababta la idinkugu yeerayna waxaa weeye  in la hirgeliyo canshuurtan runtii in mar hare la dhaqan geliyo ayey ahayd, waana wax loo baahnaa in horey loo sameeyo dabcan aysan suurta gelin hada ka hor” Ayuu yiri Madaxweynah Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in waxa muhiimka ah ee loo baahan yahay in la ogaado ay tahay in Dowladnimo oo dhan ay tahay in cashuurta qofka ku waajibtay in la bixiyo.

 

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online