Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Garoowe Ku qaabilay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaliya

October 1, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbe 1 October 2018 qasriga madaxtooyada ee  Garoowe ku qaabilay Danjiraha Dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Ambassador Andreas Von Vexkull.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Kulankan uu Madaxweynaha Dowladda Puntland laqaatay Danjiraha wadanka Sweden u fadhiya Soomaliya, ayaa looga hadlay mashaaricaha ay ka fuliso Dowladda Sweden Puntland oo ay fududayso Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa sida brnaamijyada caafimaadka iyo horumarinta haweenka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weftiga ku soo dhoweeyay madaxtooyada, ayaa soo dhowaynta kadib uga xog waramay xaalada guud ee Soomaaliya iyo horumarka baaxada leh ee kasocda Puntland.

Ambassador AndreasVon Vexkull ayaa Dawladda Puntland uga mahad celiyey wada shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa dawladiisa, sidoo kalena uga hambalyeeyey horumarka baaxda leh ay ku tilaabsatay Dowladda Puntland shantii sano ee ugu danbeysay iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadatay geedi socodka nabada Soomaaliya, taabagelinta dimuquraadiayada iyo xal uhelida isu dheelitirka xuquuqda raga iyo dumarka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey Danjiraha booqashada uu ku yimi Puntland, sidoo kalena dowlada  Sweden uga mahad naqay Danjire Ambassador AndreasVon Vexkull, Mashaarica horumarineed ee ay dawladiisu ka fuliso Sweden Puntland.

Ugu danbeyn, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah Wasiir Shire Xaaji Faarax oo shirka kadib ka warbixiyey waxyaabihii looga wada hadlay ayaa waxaa hadaldiisa kamid ahaa”

“Galabtay waxaan qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland kula shirney Safiirka Dowladda Sweden oo ah saaxiib Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Puntland oo ah Dowladaha aadka u caawiya Soomaaliya ay Puntland tahay meelaha ay aadka wax uga qabtaan, berina waxaan leenahay shir aad u balaadhan oo aan ku qabanayno xarunta cilmi baarista ee PDRC oo lagu soo bandhigayo buug la yiraahdo (Gender Biglet) isku dheeli tirka lab iyo dhadiga kasoo wax badan looga hadli doono aadna akhrisan doontaan”

–DHAMMAAD–

 XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.       

Leave a comment

*

Archives
October 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online