Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Gaas oo Sagootiyey Madaxweynaha Galmudug.

October 29, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbe 29 Oct 2018 sagootiyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayey oo muddo 9 cisho ah ku sugnaa Garoowe.

Weftiga Madaxweynaha Galmudug ayaa Garoowe kaga qaybgalay shirkii Madasha Iskaashiga dawladdaha Xubnaha ka ah dawladda Fadaraalka Soomaaliya, waxaana Sagootinta weftiga Madaxweynaha Puntland kala qayb qaatay masuuliyiin ka tirsan geleyaasha dowladda Puntland, guddoomiyaha gobolka Nugaal, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, taliyaha ciidamada Booliska Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in shirkii Madasha Iskaashiga dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Fadaraalka Soomaaliya kadib ay maalmo kooban ku negaadeen Garoowe Madaxweyne Xaaf iyo weftigii uu hogaaminayey, Madaxweynaha Puntland ayaa xaqiijiyey in Puntland wanaag u tahay ku negaanshaha Madaxweynaha Galmudug iyo weftigiisa madaama ay ka wada hadlayeen arrimo badan oo masiiriya kuwaas oo ka dhexeeya Puntland iyo Galmudug.

“Waxaan maanta halkan kusii sagootinaynaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo kasoo qaybgalay shirkii Madasha Iskaashiga dowladdaha Xubanaha ka ah DFS oo 20 Oct 2018 Garoowe kusoo gababa-gaboobey, Madaxweyne Xaaf isaga iyo weftigiisu dhowr beri oo danbe ayay nala sii joogeen, maantana waxay ku laabanayaan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, waan ku faraxsannahay inaan wakhti sii wadaqaadano, sii wada joogno, maadaama aan deris nahay waxbadan oo naga dhexeeya ayaa jira oo aan meel isla dhigayney, maantana isaga oo nabad ah ayuu naga tegayaa waanna ku faraxsannahay” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Galmudug laga wado qalalaaso siyaasadeed oo ay wadaan dad aan doonayn xasiloonida iyo jiritaanka maamulkaasi, waxa uu u rajeeyey shacabka iyo dowladda Galmudugba wadajir, midnimo iyo wax wadaqabsi, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf yahay Nabadoon jecel wada jirka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa shacabka iyo dowladda Puntland-ba uga mahad naqay soo dhoweynta diiran ee ay ula-heelanaayeen isaga iyo weftigiisa mudadii 9 cisho ahayd ee ay ku sugnaayeen Garoowe, Madaxweyne Xaaf waxa uu shacabka Puntland iyo shacabka Galmudug kula dardaarmay inay ka wadashaqeeyaan nabadda xasiloonida iyo wax wadaqabsiga, isla mar’ahaantaana aanay cidna ka ogolaan khalkhal gelinta wadajirkooda iyo wada shaqayntooda.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
October 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online