Madaxweynaha Puntland oo si diiran ugu soo dhaweeyey Garoowe Madaxweynaha Galmudug (Masawiro)

October 20, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbe 20 Oct 2018 caasimadda Puntland ee Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo wefti uu hogaaminayo oo safar dhulka ah saaka kaga soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa soo dhoweynta Madaxweynaha Galmudug iyo weftigiisa kala qaybqaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, nabadoono, waxgarad, siyaasiyin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf kusoo dhoweeyey Puntland gaar ahaan Garoowe ayaa sheegay in Madaxweyne Xaaf iyo weftigiisu safar dhulka ah kusoo mareen inta u dhexaysa Gaalkacyo iyo Garoowe, taasina ay ka turjumayso nabadda, isu furnaanta iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Madaxweyne Xaaf ka mid yahay masuuliyiintii Puntland waxbadan ka qabtay dowladdii dhexe ee kacaanka iyo dowladdihii ka horeeyeyba.

“Waxaan Puntland iyo Garoowe- ba kusoo dhoweynaynaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo safar dhulka ah saaka kaga soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo, waan ku faraxsannahay inuu si nabad gelyo ah uu kusoo maro dhulkaasi balaadhan, Madaxweyne kusoo dhowow dhulkaagii” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dhankiisa ka mahadnaqay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey isaga iyo weftigiisa, wuxuu Madaxweyne Xaaf xusay in ay safar dhulka ah kaga yimaadeen magaalada Gaalkacyo, taasi oo ay uga gol lahaayeen inay fidiyaan nabadda, isu socodka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

“Dhammaan Madaxweyneyaasha, masuuliyiinta goleyaada dowladda Puntland iyo shacabka sida quruxda badan ee noosoo dhoweeyey waan u mahadcelinaynaa, aniga iyo wefti aan hogaaminayey safar dhulka ah ayaanu saaka soo galnay, kaasi oo aan uga golleenahay inaan nabadda soo fidino, siina xoojino, anagoo wax werwer ah qabin ayaanu in ka badan 220KM soo goyney, safar raaxaleh ayuu ahaa, haddii caradoo dhan sidaas ahaan lahayd diyaarad danbe maraaceen” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in shirka Madasha Dowladda xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya berri oo ay bishu tahay 21 Oct 2018 uu furmi doono, wuxuuna Alle ‘SWC’ ka rajeeyey inuu nabad kusoo dhammaado, kana soo baxaan shirkaas waxdan oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online