Madaxweyne Gaas oo so xiray Shirka Madasha Iskaashiga (Masawiro)

October 25, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 25 Oct 2018 soo xidhay shirka 4-aad ee Madasha Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya oo muddo 4 cisho ah ka soconayey caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe.

 
Xidhitaanka Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfurgalbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, aqoon yahano, siyaasiyiin, iyo masuuliyiin kale.
 
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xidhitaanka shirka khudbad muhiima ka jeediyey ayaa sheegay in guud ahaan shacabka iyo Dowladda Puntland sharaf u tahay in shirku kusoo gebageboobo si amni ah, si wanaag ah, isla markaana laga soo saaro War-murtiyeed.
 
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay inay guul u tahay wareejinta xilka Guddoomiyaha Madasha Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sheegay in sida ugu macquulsan loo dhisidoono ciidamada isku dhafka Dowladdaha xubna ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya, isagoo uu tilmaamayna in ciidanka samayntiisa ay keentay kadib markii la waayey ciidan Soomaaliyeed oo lagu kalsoonaan karo, laguna aamini karo dalka.
 
“Ciidamada isku dhafka ah waxaan rabnaa inay noqdaan meeshii ay ka bilaaban lahayd ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, waxay noqon doonaan ciidamo Soomaali ah, aan qabiil lahayn oo aan gobol lahayn, isku dhaf ah, la wadaago, ciidamada SNA waan ku kalsoonaan weyney, taas ayaa keentay ciidankan inaan aasaasno” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.
 
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xisbi siyaasadeedka maamullada dalku yahay mid ay ku midaysnaan doonaan maamullada dalka, waxa uu xusay Madaxweynuhu in xisbigaasi yahay mid Soomaali oo dhan metela, mid ka turjumaya oo ku raadjoogaya danaha Soomaaliya iyo masiirka shacabka Soomaaliyeed.
 
Madaxweynaha Dowladda Puntland oo sii faahfaahinaya xisbiga ay ku midaysan yihiin maamullada dalku, gaar ahaan Madaxweynayaasha ka qaybgelay shirka Madasha ee ka qabsoomay Garoowe, ayaa sheegay in ay rajaynayaan in Hir-shabeellena ay qayb ka ahaadaan xisbiga, iyadoona Madaxweynuhu sheegay inay rabnaan in xisbigu uu ahaado xisbi u eg Soomaaliya, xisbi ka turjumaya Soomaali oo dhan, xisbi Soomaali ay ku midawdo.
 

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in cidina dani ugu jirin tafaraaruqa iyo kala aragti duwanaanta Soomaaliya, isla markaana ay jiraan shaqooyin badan oo u baahan in si wada jira loo qabto, balse ay muhiim tahay in waxkasta oo lagu heshiiyo ay ahaadaan sidii lagu heshiiyey oo aanay waxba iska bedelin.

 
Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in muddo 45 cisho ah gudohood ah magaalada Dhuusamareeb laysugu imaan doono shirweyne qaran oo looga wada hadli doono masiirka danaha Soomaaliyeed, ismar’ahaantaana si rasmi ah usoo xidhay shirka 4-aad ee Madasha Iskaashiga Dawladdaha Xubnaha ka ah dawladda Fadaraalka Soomaaliya.
 
-DHAMMAAD-
 
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online