Madaxweynaha Puntland oo u anba-baxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya (Masawiro)

October 3, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 3 October 2018 waxaa uu safar shaqo ugu anba-baxay magaalda Nairobi ee Dalka Kenya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Safrkiisa magaalda Nairobi ee Dalka Kenya waxaa ku wehelinayey qaar kamida Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaardaha ee Gen Maxamed Abshir Aripot ku sii sagootiyey Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiye ku xigeenada koobaad iyo labaad ee golha wakiilada Dowladda Puntland, qaar kamida goleyaasha Dowladda Puntland iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ka hor intii aanu ka ambabixin magaalada Garoowe warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaardaha ee Gen Maxamed Abshir Aripot, ayaa waxa uu kahadalay safrkiisa iyo waxa uu ku saabsan yahay waxaana uu yiri Madaxweynuhu,

“Waxaan maanta u safrayaa caasumada dalka Kenya ee Nairobi, halkaasi oo aan u aadi doono safar shaqo oo ilaa afar bari qaadandoona, safaarkaas waxaa uu la xariiraa dhamaystir mashaariic horey usocotay iyo kuwa tira badan oo dhawaan bilaabman doona sida aad la socotaan, waxaan kula kulmi doonaa Nairobi hay’ado caalmiya, safaarado, ururo caaalamiya, waxaan rajeenayaana afrtaa bari kabacdi inaan dalka dib ugu soo laaban doono,  waxaan katagayaa wadankii oo nabada roobkii dayrtuna  bilowday, waxaan rajeenayaa wadankoo nabada in aan kusoo laaban doono, Insha Allaah”

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa shacab iyo madaxda Dowladda kula dardaarmay in amniga iyo jiritaanka Dowladda Puntland la adkeeyo si ay Puntlnad u gaadho hadafkeeda.

 

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
October 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online