Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dhiiro galiyey Wax Soo Saarka Beeraleyda

October 17, 2018 - Written by Editor

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa beeralayda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay laba jibbaaraan tacabka beeraha si ay usoo saaraan cunnno ku filan dalka, mustaqbalka ay ugu dhoofiyaan dunida.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabadda xuska maalinta beeralayda Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in beeralaydu ay hoggaan u ahaayeen horumarinta dhaqaalaha dalka, xilligaanna ay muhiim tahay in ay soo nooleeyaan dawrkooda, qaybna ka qaataan soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed oo ku xiran isku filnaansho dhaqaale.

“Dawladdeennu waxa ay ka shaqaysaa soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Soo celinta sharaftu waa in aadan tuugsan, si aadan u tuugsanna waa in aad wax soo saartaa”ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre

“Marka aad isku filantahay ayaad gaari kartaa go’aan xor ah oo aad kula dhaqmi karto dunida” ayuu raaciyay ra’iisul wasaare Khayre.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa soo dhaweeyay heshiis hay’adda cunnada adduunyada (WFP) ay 4,000 metric ton oo Ganley ah uga iibsnayso beeralayda Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in ay tahay bilaaw wanaagsan, hadii beeralaydu ay kordhiyaan tacabka beerahana ay hey’adaha gargaarkuna kordhinayaan iibssiga dalagga gudaha si ay ugu quudinayaan dadka gargaarka u baahan ee ku nool dalalka dunida.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
October 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online