Wasiirada Ingiriiska ee arrimaha Afrika Harriett Baldwin oo soo gaartay magaalada Muqdisho

October 7, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul wasaaraha DFS Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay horkaceysay wasiirada Ingiriiska ee arrimaha Afrika, Harriett Baldwin taas oo maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Wafdiga wasiirada ee arrimaha Afrika, Harriett Baldwin iyo Ra’iisul wasaare Khayre ayaa waxay ka wada hadleen arimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ay dowalada Ingiriiska ay in ay Soomaliya ku taageeri doonto.

Ra’iisul Wasaaraha DFS Xasan Cali Khayre ayaa wasiirka uga warbixiyay xaalada dalka uu marayo iyo horumarrada ay dawladdu ku tillaabsatay dhinacyada amniga iyo siyaasada waxaana uu u mahad celiyey dowalada Ingriiska sida ay mar walba u garab taagan tahay DFS.

Dhanka kale Wasiirada dowalada Ingriiska ee arrimaha Afrika, Harriett Baldwin ayaa amaantay dib-u-qaabaynta maaliyadda ,siyaassada iyo amniga iyada rajo weyn ka muujisay in doorashooyinka dalka Soomaaliya ay noqdaan mid qofwalba codkiisa dhiibto lagana gudbo nidaamka 4.5.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online