Ciidanka Amniga Puntland (PSF) oo howl gal ka fuliyey buuraha Calmadow.[Masawiro]

November 25, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay 48-kii saac ee la soo dhaafay ay howl gal ka fuliyeen Buuraleyda Madarshoon iyo Diingle ee Buuraha Cal Madow ka dib markii ay sirdoonka ciidanka PIA ka war heleen in xubno ka tirsam Al-shabaab ay saldhig ka samaysteen si ay weeraro gaadmo ah ugu qaadaan saldhigyada ciidanka Puntland ay ku leeyihiin Buuraha Calmadow

Ciidanka PSF ayaa barta ay ku leeyihiin baraha bulshada waxaa ay ku sheegeen in howl galkaan ay ku bartilmaamsadeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo gaarayey 67  oo qorashaynay in weeraro ay ku ekeeyaan Saldhiyada ciidamada daraawiishta ay ku leeyihiin Buuraha Calmadow gaar ahaan deegaanada Balikhadar iyo Karin.

Fariin qoraaleed la soo dhigay barta baraha bulshada ay ku leeyihiin ciidanka PSF ayaa lagu sheegay in howlka ay ciidanku fuliyeen lagu dilay 13 dagaal yahan oo ka tirsan Al-shabaab isla mar ahaantaana waxay ciidamadu burburiyeen goobihii ay Al Shabaab kaga dhuumaalaysanayeen Aaggaas.

Sarkiisha ciidanka PSF ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howl galada ka dhanka Al-shabaab habeen iyo  sidii ay u xaqiijiyaan amniga shacabkooda,  waxayna ugu baaqayaan shacab Puntland  in ay garabsiiyaan ciidamadood si kooxaha cadowga ah ay u waayaan goob ay ku nabad galaan.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online