Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya oo ku heshiiyay xoojinta nabadgalyada iyo iskaashiga dhaqaalaha

November 12, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu kaga soo qeyb galay magaalada Bahra Daar ee dalka Itoobiya shir ku saabsan xoojinta heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya.

Shirkan oo ahaa kii labaad ee wada jir ay u yeelanayaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Dhiggiisa Dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki iyo Raiisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, ayaa waxa ay isku raaceen in ay dadaalkooda iyo garab istaaggooda isugu geeyaan xallinta caqabadaha guud iyo kuwa gaarka ah ee ay wajahayaan dalalkan saddexda ah.

Warmurtiyeedka wadajirka ah ayaa lagu adkeeyay muhiimaadda ay leedahay in la dhawro madaxbannaanida siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya iyo taageeradooda xooggan ee ku aaddan dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda dalalka Itoobiya iyo Ereteriya ayaa ku bogaadiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo guulaha la taaban karo ee Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada horumarka iyo xasilloonida.

Madaxweynayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Raiisal Wasaare Abiy Axmed, shacabka iyo Dowladda Itoobiya soo dhawaynta diirran iyo martisoorka ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, soo dhawayntaas oo ka tarjumaysa xiriirka dhaw ee ka dhaxeeya labada dal.

Wajiga saddexaad ee shirka iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya ayaa la qorsheeyey in uu ku qabsoomo magaala Muqdisho.

====Dhamaad========

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online