Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Lagu Soo dhoweeyey Qardho.[Masawiro]

November 26, 2018 - Written by Editor

Qardho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo ka kooban goleyaasha Dowldda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa galabta 26 November 2018 safar shaqo kusoo gaadhay Degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa degmada Qardho kusoo dhoweeyey maamulka gobolka karkaar, kan degmada Qardho, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, isimo, waxgarad, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo shacab tiro badan oo ka qayb qaatay soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Soo dhaweynta kadib Madaxweynaha ayaa warbaahinta kula hadlay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Qardho waxaana hadaladiisa kamid ahaa”

“Waxaan mahad ballaadhan u jeedinayaa maamulka iyo shacabka gobolka Karkaar gaar ahaan degmada Qardho soo dhoweyntooda ay marwalba nagu qaabilaan, waan ku faraxsanahay inaan idinku soo booqano Qardho, waxaan halkaan u nimidna inaan daah furno mashaariico horumarineed oo ay Dowladdu halkaan ka hirgalisey, mar labaad waad mahadsan tihiin sal mug leh ayaan isku wareysan doonaa Insha ‘Allaah”, ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalamaha soo socda ku sugnaan doona magaalada Qardho, isla’markaana halkaasi xadhiga kaga jari doonaa mashaariica horumarineed oo uu kamid yahay Hospitalka Qardho.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online