Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf Oo la kulmay Wafdiga QM (Masawiro)

November 5, 2018 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Wafdi uu horkacayo Ergeyga QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nichalos Haysom iyo Wakiilka Midowga Afrika ee u qaabilsan arimaha Soomaaliya Francisco Madeira ayaa maanta waxaa ay soo gaareen magaalada Galkacyo waxayna kulan la qaateen madaxada Galmudug.

Wafdiga ka socda QM iyo Midowga Afrika ayaa waxaa ay kulan la qaateen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf waxaana madaxweynaha Galmudug kulanka ku weheliyey Madaxa Xukuumada iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada Galmudug .

Wafdiga ka socda QM iyo Midowga Afrika iyo Galmudg ayaa waxaa ay ka wada hadleen xal u helida khilaafka DFS iyo Maamul Gobaleedyada Soomaaliya. Waxaa kale oo kulanka Galmudug iyo wafdiga ka socday QM looga hadlay faragalinta madaxada DFS ku hayaan Maamulka Galmudug.

Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Galmudug ayaa markii uu soo dhamaaday kulanka waxaa uu la hadlay warbaahinta wuxuuna sheegay in ay wafdiga QM kala hadleen arimo badan oo ay ugu horeyso faragalinta Madaxda DFS ku heyso Galmudug.

Ergeyga QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nichalos Haysom iyo wafdigiisa ayaa waxay kulamo kala duwan la soo qaateen Madaxada S/land ,Puntland, Jubaland,K/galbeed iyo Galmudug .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online