Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galabta dalka dib ugu soo laabtay

November 1, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay keddib markii uu ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Jubba oo lagu dhammeystirayay heshiiskii ay gaareen dhinacyada South Sudan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Magaaladda Jubba ee Caasimada dalka South Sudan waxa uu kulamo la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi, isaggoo kala hadlay sida ay uga qeyb qaadan lahaayeen Horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koofur Suudaan , ayaa Jaaliyadda uga warbixiyey xaaladda dalka uu ku sugan yahay, isaggoo xusay  Gacansatada dalkaasi ku nool in dawladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonto siddii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa  inta aanu kasoo ambabixin Jubba, waxa uu kulan gaar ah uu la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Salva Kiir Mayardit, waxaana ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo in dhidibada loo adkeeyo nabadgalyada guud Gobolka oo ah mid isku tolan.

——Dhamaaad—–

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online