Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ku qaabilay Wefti uu Hogaaminayo Ambassador Nicholas Haysom.[Masawiro]

November 3, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 03 Nov 2018 qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefti uu hogaaminayo Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliaya Ambassador Nicholas Haysom.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, waxaana ay weftiga Ambassador Nicholas Haysom la qaateen kulan gaar ah, isla markaana Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya ayaa markii kulankii soo gebageboobay si wadajira ula hadlay Warbaahinta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn kusoo dhoweeyey Wakiilka qaramada midoobey Soomaaliya u qaabilsan iyo weftiga uu hogaaminayey Puntland, iyadoona Madaxweynuhu uu tilmaamay in ay tahay booqashadiisii ugu horaysey tan iyo intii la magacaabay wakiilku uu ku yimaado Puntland, isla markaana ay ka Puntland ahaan wanaag u tahay imaanshaha wakiilka iyo weftigiisa.

“ Waxaa sharaf weyn noo ah inay nooyimaadan wefti uu hogaaminayo Wakiilka Cusub ee qaramada Midoobey uqaabilsan Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom iyo ku-xigeenkiisa Mr. Rai Zenenga, Ambassador Nicholas Haysom, wakiilku waa cusub yahay sida aad la socotaan waa boqashadiisii ugu horaysey ee uu ku yimaado Puntland, waan ku faraxsannahay booqashadii ugu horaysey inuu noogu yimaado, kulankayaga maantana waxaan ka wadahadalnay arrimo badan oo ay ka mid yihiin siyaasadda Soomaaliya ee cakiran, kala aragti duwanaanshaha DFS iyo maamullada dalka, arrimaha amaanka, siyaasadda iyo tageerada beesha caamku ay siiso Soomaaliya iyo wixii feker ah oo aanu ka qabno xal u helidda mushkiladdaha Soomaaliya oo amnigu ugu horeeyo, wada shaqaynta Soomaaliya iyo beesha caalamka’’ ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Dhinaca kale Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom ayaa dhankiisa xusay inuu ku faraxsan yahay imaanshiyaha Puntland markiisii ugu horaysey, waaxa uu tilmaamay inay isaga iyo Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiinta kaleba ka wada hadleen arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wanaajinta wada shaqaynta dowladda Dhexe iyo maamullada dalka.

“Waaxan ku faraxsanahay inaan markii ugu horaysey imaado Puntland, waaxaan ka wada hadalnay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kaleba arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wada shaqaynta beesha caalamka iyo Soomaaliya, caqabada ka dhexjira dowladda dhexe iyo dowladdaha Xubnaha ka ah, xasiloonida, nabadda iyo ka faa’iidaysiga fursadaha” ayuu yiri Ambassador Nicholas Haysom.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qado sharaf ugu sameeyey Qasriga Madaxtooyada Garoowe wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom iyo weftiga uu hogaaminayey.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online