Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.[Masawiro]

November 5, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 05 November 2018, qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefti uu hogaaminayo safiirka midowga yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Fulgencio Guiz Garido.

Madaxweynaha Puntland ayaa safiirka iyo weftigiisa la qaatay kulan gaar ah oo ay ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, kadibna si wada jira ula hadlay warbaahinta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ugu horayn sheegay inay Puntland kusoo dhoweynayaan weftiga uu hogaaminayo safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Mr. Fulgencio Guiz Garido, Madaxweyna ayaa xaqiijiyey inay weftiga ka wadahadleen wanaajinta xidhiidhka midawga Yurub ee Soomaaaliya gaar ahaan Puntland, dhammaystirka wadada Gaalkacyo – Garoowe iyo arrimo kale oo muhiim ah.

“waxaa maanta sharaf weyn noo ah inaan halkan ku qaabilo wefti uu hogaaminayo Danjiraha midawga Yurub iyo weftiga uu hogaaminayo, waxa ay u yimaadeen inay nagala hadlaan xidhiidhka ka dhexeeya Puntland iyo EU, shaqoyinka tirade badan ee EU ka hayso Puntland, shaqooyin badan oo ay ka hayaan dhanka waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha’’ ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Sido kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa tilmaamay in ay ka mid ahayd waxyaabihii ugu muhiimsanaa imaanshahooda dhammaystirka wadada Gaalkacyo – Garoowe oo dhismeheedu meel wanaagsan marayo, Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay inaanay waxba ka jirin warar kutiri-kuteen ah oo sheegaya in masharuuca wadadu istaagey, isla markaana waxa uu xaqiijiyey Madaxweynuhu in midowga Yurub ay wadada u raadinayaan lacago dheeraad ah oo ay ku dhammaystirayaan dhismaheeda.

“dhammaystirka mashariic badan ayey u yimaadeen weftigu oo ay ugu horayso dhismaha wadada Gaalkacyo – Garoowe oo beryahan aad ka maqlayseen wararka beenta ah ee sheegaya in mashruucii wadada lumay, waxaas wax ka jiraa ma jiraan been iyo kutiri-kuteen ayey ahayd, waxay maanta halkan idiinku sheegi doonaan in mashruucu sidii uu ahaa loo hirgelinayo oo weliba ay lacago dheeraad ah u raadinayaan una soo heleen mashruucuna sidii loogu talagalay u hirgelidoono madaama uu muhiim u yahay isu socodka Soomaaliya oo dhan uma aha Puntland keliya, sidoo kale waxaan ka wadahadalay mashaariic badan oo dhan walba ah oo ay dhowaan soowadaan iyo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan siyaasadda cakiran ee hadda jirta’’ ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Dhinaca kale Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mr. Fulgencio Guiz Garido ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay markiisii ugu horaysey inuu yimaado Puntland, waxa uu tilmaamay inay Madaxweynaha ka wadahadleen xidhiidhka wanaagsan ee Puntland iyo mudawga Yurub, mashariicda horumarineed ee ay ka wadaan Puntland, maalgashiga, mashariic cusub oo ay soo wadaan, wadada Gaalkacayo – Garoowe oo uu xusay in dhismaheedu meel wanaagsan marayo, waxaana uu tilmaamay inay dedaal dheer ugu jiraan dhammaystirka wadadaasi oo muhiim u ah guud ahaan Soomaaliya, isla mar ahaantaana waxa uu marlabaad dul istaagay in mashruuca wadada Gaalkacyo – Garoowe dardar gelin doonaan dhismaheeda una dhammaystiri doonaan sida ugu macquulsan.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

 

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online