Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Saraakiil Ka Socota Xafiiska UNODC (Masawiro)

November 7, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha doladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 07 Nov 2018 kulan la qaatay saraakiil ka socota xafiiska UNODS iyo diblamaasiyiin shisheeye oo ka socda dalal badan oo wadashaqayn dhaw laleh Puntland.

Saraakiishan oo ay hogaaminaysey Francesea Caonero oo ka tirsan hay’adda UNODC ayaa waxa ay kala ahaayeen diblamaasiyiin ka socda dalalka Netherland, Italy, Sweden, Holland, Canada iyo sidoo kale saraakiil kale oo ka socda hay’adda UNODC.

Kulankan oo ka qabsoomay qarniga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa looga hadlay arrimaha xabsiyada Puntland, gaar ahaan xabsiyada dhexe ee dawladda, siidaynta maxaabiista burcad badeedda Soomaalida ee ku xidhan dalka dibeddiisa iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn Puntland kusoo dhoweeyey saraakiishan ka socdey hay’adda UNODC iyo diblamaasiyiinta kale, waxaana uu Madaxweynuhu ku bogaadiyey masuuliyiintani wadashaqaynta wanaagsan ee ay la leeyihiin Puntland gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda iyo ciidamada Asluubta Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa saraakiisha hay’adda UNODC iyo diblamaasiyiinta kaleba kala hadlay xaaladda maxaabiista burcad-badeedda Soomaalida ee ku xidhan dalka debeddiisa, waxaana uu Madaxweynuhu u sheegay in dowladda Puntland u gudbinayso cid kasta oo ay arrintaasi khusayso in maxaabiista si dhaw loo eego xaaladdooda, dibna loosiiyo xuriyaddooda maadaama ay wakhti dheer xidhnaayeen dibna ula jaanqaadikaraan bulshada.

Dhinaca kale hogaamiyaha weftigani Francesea Caonero ayaa dhankeeda tilmaamtay inay Madaxweymaha Puntland iyo masuuliyiinta kaleba uga mahadcelisey qaabilaadda iyo gorfaynta arrimahakani muhiim ka ah, waxaana ay xaqiijisay in arrinta maxaabiista burcad badeedda ay tahay muhiim in waxbadan laga qabto oo laga arrinsado siidaynta maxaabiistaasi, maadaama ay muddo badan ku jiraan xabsiga, Isla markaana waxay ay Puntland ku amaantay si wanaagsan wanaagsan ee ay u maamulaan xabsiyada iyo maxaabiistaba.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa masuuliyiintani ku booriyey inay dardargeliyaan shaqooyinka baaxaddale ee ay ka hayaan Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya, Isla mar’ahaantaana ay fiira gaara uu yeeshaan xal u helidda maxaabiista burcad-badeedda.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online