Madaxweynaha Puntland oo Xaflad Sagootina u Sameeyey Qusulka Qusuliyadda Itoobiya Ee Puntland.

November 7, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garòowe munaasabad casho sharaf iyo sagootin ah u sameeyey qunsulkii hore ee qunsuliyadda Itoobiya u fadhiyey Puntland Mr. Asmalash oo ay dhammaatay muddo xiliyeedkiisii shaqo.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa munaasabadda ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo Saraakiil ka tirsan qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Mr. Asmalash ku ammaanay shaqada adag ee uu kasoo qabtay Puntland iyo sida uu u xoojiyey wadashaqaynta Itoobiya iyo Puntland.

” Runtii ma dhicin in aan maalin dhibsano shaqadiisa Danjire Asmalash, marwalba wuxuu u shaqaynayey si hufan, mana ahayn nin xafiiskiisa kaliya ku eg ee si balaadhan ayuu uga shaqayn jiray wanaajinta xiriirka labada dal, waxaan jaraynayaa midka badali doona in uu noqdo mid la mid ah, aad iyo aad buu u mahadsan yahay, waana u hambalyeynaynaa meel walba oo uu tago” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa isna dhankiisa sheegay in Asmalash uu dhexgalay bulshada Puntland, waxaana uu tilmamaay inuu ahaa nin shakhsiyad wanaagsan oo markasta dhanka wanaagsan wax u xaliyo.

” Waxaan rabnaa dhammaantiin oo uu ugu horreeyo qusulku in aan idiinka mahadcelino wadashaqayntii wanaagsanayd ee aad dadka iyo dowladda Puntland-ba aad la lahay’deen, muddadii aad joogtey waxaad ka mid noqotay reer Puntland, sida aad dadka iyo dalkaba u kala garanayso, kan imaan doonana waxaan ka rajaynaynaa sidaas oo kale”.

Ugu dambayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyey Mr. Asmalaash iyo hadiyado gaar ah oo ay kamid ahayd dharka hidiyo dhaqanka Soomaalida, sidoo kale Madaxweynaha ayaa iyana hadiyado gudoonsiinyey laba sarkaal oo dhammaystay shaqadoodii iyaguna.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online