Madaxweyne Farmaajo iyo RW Conte oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

November 20, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo magaaladda Rome kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte ayaa sheegay in dib u xoojinta xiriirka labada dal uu yahay qorshe mudnaan gaar ah u leh Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Raiisul Wasaaraha dalka Talyaaniga kaalinta uu dalkaasi kasoo qaatay dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada maamulka iyo ciidanka, isagoona tilmaamay in kaalintaas oo kale ay haatan ka filanayaan madaxda dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa si wada jir ah u bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ku salaysan saaxiibtinimada iyo dan-wadaagga ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Dowladda Talyaaniga in ay ku dhiirrigeliso ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Talyaaniga in ay maalgashadaan Soomaaliya iyagoo ka faa’iideysanaya fursadaha kala duwan ee haatan ka jira Soomaaliya.

“Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay wadaagaan xiriir taariikhi ah oo ku qotoma iskaashi dhaqaale, mid dhaqan iyo saxiibtinimo soo martay heerar kala duwan, waana tan udub dhexdaadka u ah in la xoojiyo xiriirkeena soo jireenka ah si aynu horumar iyo barwaaqo u gaarsiinno labadeenna shacab.”

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Conte ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda, wuxuuna adkeeyay in ay dowladdiisu ka go’an tahay wadashaqeynta iyo taageerada ay u hayaan Soomaaliya, isagoona bogaadiyey horukaca ay sameysay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay hindisaha Dowladda Soomaaliya ee maalgashadayaasha Talyaaniga si ay ganacsatada Talyaaniga u maalagashadaan Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaare Conte horumarka iyo soo kabashada ay hadda ku jirto Soomaaliya iyo sidii labada dowladood u yeelan lahayeen iskaashi iyo wax-wada-qabsi.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Conte ayaa isku raacay ina y sii wadaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dawladood, iyada oo loo marayo istiraatiijiyad faa’iido wadaag ah oo dan u ah labada dal iyo shacab sii loo xoojiyo xiriirka dhaqaale iyo dhaqan ee ay wadaagayaan labada dal.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online