Musharaxa Maxamuud Khaliif (Eng. Jebiye) qado u sameeyey caruurta Agoonta Garoowe.[Masawiro]

November 4, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Musharaxa xilka Madaxweynaha Puntland 2019 Maxamuud Khaliif Xassan (Eng. Jebiye) ayaa maanta qado u sameeyey caruurta ku xereysan xarunta agoomaha ee magaalada Garoowe.

Maxamuud Khaliif Xasan ayaa caruurta u sameeyey qado wanaagsan, waxaana u ugu adeegey gacantiisa isaga oo dhamaan caruurta midkasta booskiisa qadada ugu geyey. Eng. Jebiye ayaa la qadeeyey caruurta oo dhex fariistey, lana sheekeystey mudadii ay qadeynayeen.

Maamulka xarunta agoonta ee Garoowe ayaa sheegay in aysan ahayn markii u horeysey ee Maxamuud Khaliif uu caruurta iyo xarunta agoonta ee Garoowe ka farxiyo, bishii Abril ee sanakdan ayey ahayd markii uu $10,000 oo dollarka Maraykanka ah ugu deeqay xarunta agoomaha ee Garoowe.

Maxamuud Khaliif oo ka hadley qadada iyo casumaada uu u sameeyey caruurta xarunta agoonta ee Garoowe ayaa yiri.

“Talaabadii u horeysey ee imaanshahaygi Garoowe kadib aan qaadey waxay ahayd kulanka caruurta agoonta ah iyo casumaada aan u sameeyey sababta aan ku doortey ayaa ah, waan jeclahay caruurta, khaasatan kuwan oo kale, waa mustaqbalkii berri, waa hoggamiyaashii dalkan sidaas darteed haddii ay waayeen labadoodi waalid ama mid kamid ah innaga ayaa ka masuul ah, waxayna tani noqon dontaa mid aan jogteeyo markasta”.

Qaar kamid ah caruurta ku jirta xarunta agoonta ee Garoowe ayaa sheegay in Maxamuud Khaliif uu yahay masuul

Maxamuud Khaliif Xassan ayaa kamid ah muxsiniinta ku bixiya maalkooda meelaha kheyrka iyo wanaaga iyo weliba horumarka bulshada sida, Isbitaalada, jaamacadaha, Waddooyinka, Xarumaha Agoomaha iyo meelo kale.

XAFIISKA OLOLAHA DOORASHADA
 MUSHARAX Eng.JEBIYE

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online