Shirkii Golaha Shuurada ee Mu’asasada EMA oo lagu soo afmeeray magaalada Malmö.(Masawiro)

November 26, 2018 - Written by Editor

Malmö:-Waxaa magaalada Malmö ee dalka Sweden ka furmay 25-11-2018 Shirkii golaha Shuurada ee Mu’asasada European Muslim Association (EMA) waxaana Shirka ka soo qayb galay dhamaan xubna Golaha Shuurada Mu’asasada EMA.

Kulanka Mu’asasada EMA ayaa ah mid sanadkiiba mar ay isigu yimaadaan xubnaha Golaha Shuurada iyo Tanfiidka si loo hormariyo Mu’asasada, waxaana xubnaha iyo maraakista ku mideysan Mu’asasada EMA ay hurmuud u yihiin Maraakista wadamada Nordic, Holland ,Jarmal iyo Beljem .

Ugu horeyntii ayaa waxaa shirka kalimada wacdi iyo dhiiro galin ah ka jeediyey Sheekh C/raxmaan Abyad (Xafidahulaaah)waxa uu ku dhiiro galiyey hogaanka Mu’asasada European Muslim Association (EMA) howsha ay qabteen isaga oo si gaara ahna ula dardaarmay hogaanka Musasada EMA ee la doortay.

Dhanka kale waxaa kalimad qiimo badan ka jeediyey Shirka Golaha Shuurada ee Mu’asasada European Muslim Association (EMA) Sheekh Cabdikariim Abu Caaisha isaga oo ku waaniyey xubnaha Mu’asasada EMA in ay ku dadaalaan midnimada ,walaaltinimada iyo horumarinta iyo taabo galinta Mu’asasada EMA isaga oo ku bogaadiyey in Mu’asasada EMA horumarka iyo yoolka ay hiigasanayaan .

 Xubnaha Mu’asasada EMA ee shirka uga furmay magaalada Malmo waxaa furay Sh Cabdiwahaab Salaad Hasan oo ah Wakiil ka ahaa Gudoomiyaha golaha Fulinta Mu’asasada EMA ee Denmark Saciid Hassan jamac ( Abu Saalix ) waxaana shirka isku soo qaban’qaabiyay Golaha Tanfiidka ee Mu’asasada EMA ee Denmark.

Intaas ka dib ayaa waxaa Shirka Golaha Shuurada ee Mu’asasada European Muslim Association (EMA) lagu wareejiyey Gudoomiyaha Shuurada Mu’asasada (EMA) Bile Hassan Osman (Abu Saciida )isaga oo furay shirka kuna wareejiyey in uu Shirka Gudoonsho Ku Xigeenka Gudoomiyaha Shuurada Mu’asasada EMA Sheekh Bashiir Hassan Ahmed Camey waxaana laga dooday Ajandaha Shirka iyada oo lagu guuleystay in la sameeyo qorshe Sanadeedka 2019 iyo Bajadka ay ku shaqeyn lahayd Mu’asasada European Muslim Association (EMA).

Ugu Danbeyntii ayaa waxaa la guda galay Doorasha Gudoomiyaha golaha Fulinta ee Musasada European Muslim Association (EMA) iyo Gudoomiyaha Shuurada EMA oo uu wakhtigoodii uu dhamaaday waxaana loo doortay Gudoomiyaha golaha Fulinta ee Musasada European Muslim Association (EMA) Saciid Hassan jamac (Abu Saalix) halka Gudoomiyaha Shuurada EMA loo doortay Sh Bashiir Hassan Ahmed Camey waxaa sidoo kale gudoomiye ku xigeenka golaha Shuurada loo doortay Sh Cabdiwahaab Salaad Hasan

Halgan.net
Mu’asasada European
Muslim Association (EMA)

Malmö

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online