Guddoomiye Mursal “go’aanada aan qaadanay waa ineysan noqon mid garab ka qoslisa”

December 29, 2018 - Written by Editor

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta oo sabti ah xildhibaanada Golaha Shacabka ka horjeediyay khudbad uu kaga hadlay khilaafkii dhacay iyo hakadka ku yimid howlaha Golaha.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay howlaha u qabsoomay Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in khilaafkii jiray ay saameyn badan ka dhalatay, sidoo kalena ay jiraan sharciyo badan oo weli qabyo ah.

“Dalka waxaa soo maray xaalado adag oo u baahnaa in loogu gudbo si deganaan ku jirto, waxyaabaha sababay dood sharciyeed oo ay ka mid tahay qabyo_nimada dastuurka, xeer-hoosaadka oo aan dib u eegis lagu sameyn tan 2013-kii, hay’adihii garsoorka iyo fasiraadda dastuurka oo qabyo ah, qaarna aysan dhisneyn”. ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in marka la raadinayo xal siyaasadeed ay tahay in la qanciyo qof walba taasina ay sababtay in culeys siyaasadeed oo badan uu dhaco.

Waxa uu xusay in dadaal badan iyo soo jeed badan ka dib ay sababtay in la qanciyo cid walbo oo wax tabaneysay si niyad furana lagu wada shaqeeyo.

“Go’aanada aan qaadanay waxaa hubaal ah ineysan noqon mid garab ka qoslisa, marka la raadinayo xal siyaasadeed mar walbo waxaa lama huraan ah in la isku miisaamo oo la qanciyo aragtida kala duwan, culeys aad u weyn ayaa guddoonka iyo madaxda sare ee dalka ka soo gaartay sidii xal loogu gaari lahaa, waxaa suura gal ah in aragtida lagu kala duwanaado laakiin waxaa nahay dhamaanteen xildhibaanada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in khilaafkii dhacay laga qaadanayo cashar weyn oo looga nabad geli doono inta ka dhiman mudada xil heynta golaha.

Sidoo kale waxa uu umahad celiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku baaqay in khilaafka wada hadal lagu xaliyo.

“Shacabka Soomaaliyeed kuwa gudaha jooga iyo qurba joogta waxa ay muujiyeen dareen saameyn nagu wada yeeshay oo ay ku dalbanaayeen inan lagu sii fogaan khilaafka, waxaan ka qaadaneynaa isfaham waaga dhacay cashar weyn oo aan ugu nabad geli doono khilaaf kale mudada xil heynta nooga dhiman baarlamaankan 10-aad”. ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sheegay inuu bogaadinayo doorka wanaagsan oo ay xildhibaanada ka qaateen khilaafkii dhacay iyo tanaasulka ay muujiyeen.

“Markii ay timaado arrin taabaneyso maslaxada iyo masiirka Ummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan wax maslaxooda ku jirto, xildhibaanadii tanaasulka muujiyay iyo xildhibaanada iskooda isku xilqaamay ee nagu hurdo beelay waxaan leeyahay dadaalkiina waan idiin kaga mahad celineynaa masuuliyad idiin saaran ayay ahayd in umadda Soomaaliyeed aad u qabataan waxyaabaha la idiin soo doortay, sidoo kale waxaa u mahad celinayaa siyaasiyiinta iyo culima’udiinka xikmada iyo qaboojinta nala garab joogay”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Maxamed Mursal ayaa qiray in kalfadhigaan 4-aad ay qabteen shaqo ka badan 3-dii kalfadhi ee ka horeysay.

“Waxaa sharaf noo wada ah inan halkaan ka qiro in kalfadhigan 4-aad aan qabanay shaqo badan oo aan isku amaaneyno marka la isugu geeyo 3-dii kalfadhi ee ka horeysay, 3-dii kalfadhi ee hore waxaa la ansixiyey 3 sharci oo keliya, kalfadhigan 4-aad waxaan ansixinay 4 sharci oo kala ah Dhismaha hay’adda naafada, mihnadlayaasha caafimaadka, xuquuqda siyaasiyiinta iyo kabidda miisaanidda 2018-ka, waxaa shaqo ku socotaa oo heerar kala duwan maraya 7 sharci”. ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa xildhibaanada ugu baaqay iney ansixiyaan miisaaniyadda dowladda 2019 maadaama sanadku uu dhamaad marayo.

                       ——–Dhammaad ———

Xafiiska Warfaafinta ee Golaha Shacabka.

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online