Gudiga Khilaafka iyo Ansixinta Baarlamaanka Puntland oo shuruudo soo saaray

December 6, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland ee 2019 Ayaa Markii ugu Horeysay Kulan Yeeshay.

Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland ee 2019 ayaa maanta oo taariikhdu tahay 6 December 2018 kulankoodii ugu horreeyey ku yeeshay xarunta Golaha wakiiladda Dowladda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa magacaabay gudigan oo ka kooban 7 xubnood iyo xoghayn, kadib markii madaxweynuhu kusoo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 192 December 03 2018, kuna saabsan magacaabis Guddiga Ansixinta Iyo Xallinta khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland (Vetting Committee).

Hoos ka akhriso shuruudaha laga rabo ka mid noqoshada Golaha wakiilada cusub ee Baarlamaanka Punland.

Kulankan ay yeesheen Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland ee 2019 oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka Dowladda Puntland ee Garoowe ayaa ku saabsanaa sidii ay u shaqo bilaabi lahaayeen, waxayna lawadaageen shacabka Puntland sharuudaha laga rabo daneeyaasha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland.

Gudoomiyaha Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland ee 2019 Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre oo warbaahinta lahadlay ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa

“Waxaan bulshada ku wargelineynaa in guddiga fadhigii koobaad ay galeen maanta, Allaah ayaan la kaashanaynaa shaqadan culus waxaana ku wareglinynaa dhammaan xildhibaanada inay Raacaan shurdaahas, markay shurdahaas ay dhegeystaan, ama dheehdaan, ama akhristaan, in ay soo buuxiyaan si aanay u dib dhicin , waxaa uu hadlkiisa sii raacieyey in gudigaan uu yahay dhex dhexaad u dhaxeeya Musharixinta iyo Bulshada Reer Puntland .

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online