Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Puntland Ku Soo Dhaweeyey Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam.

December 13, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13 December 2018 qasriga madaxtooyada Dowladda Puntland ku soo dhaweeyey Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo maanta soo gaaray Caasumada Dowladda Puntland ee Garoowe.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam oo saaka kasoo kicitimay Magaalada Boosaaso ayaa waxaa meel kabaxsan magaalada ku soo dhaweeyey maamulka Gobolka Nugaal, qaar kamid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntaland Xuseen Xaaji Yaasiin, Guddoomiyihii hore ee Golha Wakiilada Dowladda Puntland Siciid Xasan Shire, saraakiil katirsanj Madaxtooyada Dowladda Puntland, Wasiirkii hore ee Wasaarasa Amniga Dowladda Puntland ahna Musharx Madaxweyne Dowladda Puntland 2019 Khaliif Ciise Mudan iyo dadweyene fara badan oo qaqyb ka ahaa soo dhaweenta.

Soo dhaweenta kadib Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire iyo waftigii uu hogaaminayey ayaa waxaa loosoo gudbiyey Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kalmad kooban oo soo dhaween ah warbaahinta u jeediyey ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa”

“ Waftigan balaadhan oo nooga yimid Gobolka Sanaag oo uu hogaaminayey Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire, aad baan ugu faraxsannaha imaatinka waftiga iyo Suldaanka oo u yimaaday hawlaha halkaan kasocda doorshada iyo danta guud ee Puntland, Suldaanku aad iyo aad buu u ahaa bud dhige hawlaha horumarineed ee Goblka Sanaag kasocda markii dhan walba la eego iyo nabad galyada mandiqada oo dhanba iyo kashaqaynta horumarka Puntland oo dhan, waana ku faraxsanaha inuu nagala soo qayb qaato dhamaystirka Dowladdnimada wad mahadsantihiin Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeynitii safarka Suldaan Siciid Suldaan Cabdislaam ayaa daarnaa kaqayb noqoshada doorshada madaxtinimada Dowladda Puntland ee 2019 isla’markaana Suladaanka ayaa ka mahdnaqay soo dhaweenta balaadhan ee loo sameeyey iyo sida maamuska leh ee uu madaxweynuhu ugu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online