Madaxweynaha Jubbaland oo kormeeray Taliska qaybta Booliska Jubbada Hoose.

December 30, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha oo kormeerkan ay ku wehelinayeen Wasir ku xigeenka Wasaarada Amniga Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida iyo Masuuliyiin kale waxaa ujeedkiisu uu ahaa u kuur galida dib u habaynta howlaha Ciidanka Booliska ee Taliska qaybta.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan Ciidanka Booliska iyadoo ay goob joog ahayeen masuuliyiinta ugu sareeya ee Ciidanka.

Madaxweynaha oo qayb ciidanka kamid ah la hadlay ayaa sheegay in howlgalada dib u xoraynta ee bilowday aysan kaliyah fulinaynin Ciidanka Darawiishta balse loo baahan yahay in meelaha la xoreeyo ay tagaan Ciidanka Booliska qaybahooda kala duwan si shaqooyinka caadiga ah aysan gaabis u galin oo nidaamku si toos ah uga hirgalo meelaha Argagixisada laga xoreeyo.

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in Amniga Magaalooyinka kale ay xooga saaran si Argagixisadu ayna fursad ugu helin xiliyada howlgalada lagu baacsanayo ay socdaan in ay shacabka dhibaateeyaan wuxuu ku amaanay Wiilasha iyo gabadhaha Ciidamada Booliska dadaalkooda iyo sida hagar la’aanta ah ee ay uga soo dhalaaleen u adeegista Bulshada.

——–DHAMAAD——–

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online