Madaxweynaha Puntland oo Daahfuray Tallaalka Iyo Daaweynta Xoolaha ee Deegaanada Puntland (Masawiro)

December 10, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 10 December 2018 waxaa uu daahfurey Tallaalka iyo daaweynta Xoolaha ee deegaanada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinayey daahfurka Tallaalka iyo daaweynta xoolaha Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Puntland Cabdulaahi Sheekh, Wasiir ku xigeenkia wasaarada Nuur Axmed Yuusuf , wasiirudowlaha wasaarada Xanaanada Xoolaha Cabdirshiid Cali Geele, saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, dhakhaatiir iyo qaar kamida shaqaalaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

Mashruucan Tallaalka xoolaha iyo daweyntooda oo socon doona mudo 45 cisho ah ayaa waxaa Tallaal iyo daweyn loogu sameynayaa xoolo kabadan 3,000 000 (Sadex Milyan) waxana gacan kasiinaya Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Puntland EUROPEAN UNION & Hay’adda FAO.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kalmad kooban ka jeediyey daahfurka Tallaaka ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa,

“Waan idin salaamayaa dhammaanitiin sharf ayeey ii tahay in aan kasoo qayb galo munaasabadan shaqada aad haysaa waa shaqo wanaagsan, waa dhaqaalihii dalka, waa wax soo saarkii dalka, laf dhabartii dhaqaalaha wadankeena waa xoolaha, daweyntooda, tallaal kooda waa muhiim waa in aan ilaashano ka fikirno caafimaadkooda, waa in aad wacyi-geli saan xoolo dhaqatada sidii ay uga shaqayn lahaayeen caafimaadka xoolaha” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee Wasaardda Xanaanada Xoolaha iyo qaybaha lagu keydiyo tallaalka iyo daawada xoolaha.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online