Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland ee 2019.

December 4, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 4 December 2018 waxaa uu marii ugu horeysay kulan la qaatay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland oo uu Madaxweynuhu shalay magacaabay.

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa magcaabay gudigan oo ka kooban 7 xubnood iyo xoghayn, kadib markii madaxweynuhu kusoo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 192 December 03 2018, kuna saabsan magacaabis Guddiga Ansixinta Iyo Xallinta khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland (Vetting Committee).

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa kula dar daarmay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland 2019 in ay si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegaan shacabka Puntland, ayna ka shaqeeyaan sidii Puntalnd u heli lahayd gole wakiilo oo hogaamiya masiirka shacabka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kalmad kooban oo dar daaran ah siiyey guddiga ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa,

“Waxaa Sharaf weyn ii ah maanta in aan dad weynaha reer Puntland u soo bandhigo guddigii aan magacaabay shalay, Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland ee 2019-2023, waxaan halkaan ku soo xulnay dad Soomaaliyeed, Puntlandrs ah, wadaniyiin ah, odeyaal ah, khibrad leh oo aan isleeyahay dadweynaha reer Puntland meelkasta ay joogaan way ku kalsoonaan karaan wayna soo dheweynayaan, waxaan ugu yeerey inaan la dar daarmo in ay wanaag, hufnaan iyo cadaalad ku shaqeeyaan, aan kala dar daarmo culeyska shaqada ay hayaan in ay tahay masuuliyad dadka reer Puntland oo dhan ay dhowrayaan, inaan ugu ducayno in shaqadooda Alle u fududeeyo” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay guddigan uu magacaabay in ay yihiin dad odayaal ah oo kasoo dhalaali kara shaqada ay hayaan isla’markaana soo xuli doona Gole wakiilo oo wanaagsan oo lagu aamini karo masiirka Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online