Madaxweyne Farmaajo “Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka”

December 4, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay maalinta caalamiga ah ee Naafada Adduunka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso u adeegidda dadka naafada ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay masuuliyadda gaarka ah iyo midda wadareed ee ku aaddan dadka naafada ah sidii ay u heli lahaayeen adeegyada asaasiga u ah iyo xuquuq dhammeystiran.

Madaxweynaha ayaa Aqalka Sare ugu baaqay in ay dadejiyaan ansixinta Sharciga dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka, taas oo aasaas u ah mideynta iyo dardargelinta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu kaabayo nolasha dadkeenna naafada ah.

“Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka, taasi oo fududayn doonta in dadka naafada ah ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Faraamjo ayaa tilmaamay in falalka arxan darrada ah ee argagixisada Alshabaab ay ku bartilmaamsadeen shacabka Soomaaliyeed ay kordhisay tirada dadka naafada ah, isagoona sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay gacanna kula dagaalamayaan cadawgaas, gacanta kalena ay ku dhisayaan dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu dambeyn ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay is caawiyaan, si gaar ahna loo garab istaago dadka Naafada ah.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
E-mail: media@presidency.gov.so 

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online