Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay dib-u-dhiska Madxafka Qaranka

December 9, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay dib-u-dhiska Xarunta Madxafka Qaranka oo ka mid ah goobaha danta guud ee dib loogu dhisayo Barnaamijka Isxilqaan.

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay in dadka Soomaaliyeed aysan sugin gacmo shisheeye oo u dhisa dalkooda ee taas baddalkeeda ay isku tashadaan, una istaagaan ka qayb qaadashada barnaamijkan isxilqaanka ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in fekerka Isxilqaan uu hadda ficil isu baddalay oo Madaxfka Qaranku uu yahay xaruntii labaad oo shaqada dhismuhu ka bilaabatay, iyadoona dib-u-dhiska Tiyaatarku uu meel wanaagsan marayo.

“Bacdamaa ay guul ahayd in aan bilownay shaqada dib-u-dhiska Tiyaatarka Qaranka, waxaan ku xejineynaa Madxafka, Maktabadda Qaranka iyo xarumo badan oo dowladdu leedahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin goobo waxbarasho iyo kuwo caafimaad.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u mahadceliyay dhammaan shacabka iyo mas’uuliyiinta dowladda ee ay ka go’an tahay in ay maskax, maal iyo muruqba ku bixiyaan Ololaha Isxilqaan.

Guddoomiyaha Guddiga dhismaha Madxafka Qaranka ahna Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in ay diyaariyeen qorshe dib-u-dhiska Madxafka Qaranka lagu dhammaystirayo sanadka soo socda.

—-Dhamaaad—-

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online