Madaxweyne Gaas oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariico Horumarineed oo laga Hirgaliyey Garoowe.(Masawiro)

December 3, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 3 December 2018 waxaa uu xadhiga kajaray Xarunta Tababarka iyo tayeynta xirfadleyaasha Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland iyo Shaybaar casriya oo lagu xakameynayo qaaxada oo ah Shaybaar casriya oo markii ugu horeysay Soomaaliya oo dhan Puntland laga hirgaliyey.

Madxaweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey xadhig jarka, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, qaar kamida golaha xukuumada Dowladda Puntland, maamulka Degmada, kan Gobolka Nugaal iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Mashaariicdan ayaa ah mashaariico hormarineed oo lagu dhisayo qorshaha isku tashiga shacabka iyo Dowladda Puntland ee ay hormuudka u tahay xukuumadda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, waxaana mashaariicdan gacan weyn ka geysatey Dowladda Germany iyo Hay’adda World Vision.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa ka warbixiyey guud ahaan shaqada wasaardda Caafimaad, isagoona tilmaamay in wasaaradu harumar balaadhan ay ku talaabsatay ayna aad uga shaqaysay sidii goobo caafimaad oo muhiima loo heli lahaa.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kalmad kooban ka jeediyay munaasibadii xadhig jarka xarumahan ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa”

“Aad iyo aad baan idin salaamayaa Shaybaarkan casriga ah oo uu sheegey agaasimuhu in shaybaarkii ugu horeeyey ee Soomaaliya laga hirgaliyo oo ku saabsan qaaxada oo ah cudur Soomaalida ku dhaca kuwa ugu waa weyn, marka inaan shaybaarkaa helno oo laga shaqeeyo waa guul usoo hoyatay Puntland iyo Soomaaliya oo dhan wan bogaadinayaa shaqaalaha iyo madaxda Wasaardda Caafimaadka, hambalyo ayaan idin leeyahay” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigey xarun ka kooban laba dabaq oo loogu talagalay dhalinyarta Sports oo ku taala garoonka kubada cagta ee Mire Awaare waxaana mashruucan iska kaashanaya Hay’adda UNFP iyo Dowladda Puntland, isla’marakaan waxaa ka faa’ideysanaya dhammaan dhalinyarta Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online