Madaxweynha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi.[Masawiro]

December 15, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 15 December 2018 waxaa uu Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabiley Beeldaajiyaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi iyo wafti balaadhan oo uu hogoaaminayey.
.
Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo ka koobnaa qaarkamida isimada dhanqanka ayaa shalay galinkii danbe soo gaaray Caasumada Dowladda Puntland ee Garoowe, isla’markaana safarkiisa ayaa daarnaa kaqayb noqoshada doorshada madaxtinimada Dowladda Puntland ee 2019.

Dhinca kale a Beeldaajaha ayaa ka mahdnaqay qaabilaada wanaagsan ee loo sameeyey iyo sida maamuska leh ee uu madaxweynuhu ugu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland, isga iyo waftiga baalaadhan ee uu hogaaminayo.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan gaara la qabatay Beeldaajaha, kulankaas oo ahaa mid is xogwaraysi, islamrkaana madaxweynaha Dawladda Puntland uu ku dhiiri gelinayey taabagelinta nabadaynta beelaha, xoojinta dhaqanka iyo sidii loo dhowri lahaa dhaqanka bulshooyinka Puntlnad.


-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online