Mukhtaar Roobow oo lagu xiray Baydhaba

December 13, 2018 - Written by Editor

Baydhabo:-Wararka ka imanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in maanta halkaas lagu xiray Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Laba ka mid ah xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa idaacadda VOA u xaqiijiyey in Roobow ay xireen ciidamada Ethiopia ee halkaas ku sugan.

Ilaa hadda lama yaqaan halka uu ku sugan yahay Roobow iyo sababta loo xiray, hase yeeshee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey diidmo uga muujisay musharaxnimada Roobow.

Xaaladda magaalada Baydhaba ayaa lagu soo warramayaa inay kacsan tahay, oo ay ka dhaceyso rasaas, ayada oo isgaarsiinatana ay go’an tahay.


VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online