Nabadoon Khaliif Aw-Cali oo iska Casilay Guddigii uu madaxweyne ku xigeenka Puntland

December 5, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Nabaddoon Khaliif Aw-Cali oo ka mid ah Nabadoonada sida weyn looga yaqaan magaalada Garoowe ayaa  galabta iska casilay guddi uu madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Cabdi xakiim Camey uu u magacaabay Gudiga xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Baarlamanka cusub ee Puntland.

Nabadoon Khaliif Aw-Cali ayaa Shir jaraa’id  ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta dowlada ka shaaciyay in uu iska casilay xilka uu u magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Puntland .

Nabadoon Khaliif Aw-Cali ayaa u mahad celiyey madaxweyne ku xigeenka Puntland wuxuuna sheegay in Madaxweynaha Puntland ay waajib ku tahay in uu la tashto Madaxweyne ku xigeenka Puntland .

Hoos ka Daawo Shirka Shir jaraa’id  uu ku qabtay magaalada Garoowe Nabaddoon Khaliif Aw-Cali oo ka mid ah Nabadoona Puntland.

Guddiga uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland,Cabdixakiin Camey oo ka koobnaa 8 xubnood ayaa waxaa sidoo kale iska Casilay  Axmed Aadan Carab kaas oo shalay Shir jaraa’id  ku qabtay magaalada Garoowe

Hoos ka Daawo Shirka Shir jaraa’id  uu ku qabtay magaalada Garoowe Axmed Aadan Carab.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online