Madaxwaynaha Dowladda Puntland oo Magaalada Garoowe Ku soo Dhaweeyay Madaxwaynaha DF Soomaliya.

January 26, 2019 - Written by Editor

Madaxwaynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo taariikhdu tahay 26 January 2019 ayaa waxa uu kusoo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland Madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Madaxwaynaha ayaa waxaa soo dhawaynta madaxweynaha ku wehelinyey Madaxwayne ku xigeenka dawladda Puntland, Gudoomiyaha golaha wakiilada, golayaasha dowladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal, kan degmadada, saraakiisha ciidamada, saraakiisha madaxtooyada dawladda Puntland, qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Garoowe.

Madaxwaynaha Jamhuriyada Federaalka ee somaliya iyo Weftigiisa ayaa waxa ay kasoo kicitimeen Magaalada Muqdisho, waxayna u yimaadeen magaalada Garoowe in ay ka qayb galaan munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Dowladda Puntland. Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxwaynaha dowladda federaalka ee soomaliya ayaa markii uu soo gaadhay magaalada Garoowe waxaa uu salaan sharaf kaqaatay cutubyo katirsan ciidanka Dowladda Puntland, kadib madaxwanaha ayaa mid mid ugacan qaaday madaxdii iyo dadweynihii soo dhaweeyey.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ka hadlay munaasibadii soo dhoweynta Madaxweynaha DF ee Soomaaliya ayaa hadal kooban oo jeediyey waxaa ka mida ahaa:-

“waxaa maanta sharaf wayn inoo ah in aan halkaan ku soo dhawayno Madaxwaynaha dawladda federaalka ah ee soomaaliya mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo booqasho noogu yimi, madaxwayne ku soo dhawoow Puntland .

Sidoo kale waxaa isna ka mahad celiyay soo dhawayntaas madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaliya.

“waxaan maanta runtii sii aad ugu faraxsanahay in aan socdaal ku joogo magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland, mudane madaxwayne adiga iyo dawladaadaba sida sharafta leh ee wanaagsan ee aad noogu soo dhawayseen aniga yo wefdigayga waan idiinka mahadcelinaynaa.”
.

Ugu danabay wefdigaan uu hogaaminayo Madaxwaynaha dowladda federaalka ee soomaaliaya ayaa maalmahaan fooda inaku soo haya sii joogi doona deegaanada Puntland.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online