Madaxweynaha dowlada Puntland oo Kulan La Qaatay Guddiyada Caleemasaarka Madaxweynaha Puntland.[Masawiro]

January 14, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/laahi Deni ayaa galabta 14 January 2019 kulan la qaatay Guddiyada caleema saarka Madaxweynaha Dowladda Puntland, kulankaasi waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Guddiyada qabanqaabada caleema saarka Madaxweynaha ayaa ka booban afar guddi oo kala ah, Guddiga Xiriirka, Casumaada iyo soo dhaweynta, Guddiga martigelinta, dejinta iyo gaadiidka, Guddiga diyaarinta goobta xaladda iyo guddiga amniga waxaana ay dhammaantood kulan la qaateen Madaxweynaha Dowladda Puntland .

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa ka warbixiyey kulankaasi uu la qaatay Madaxweynuhu Guddiyada calemasaarka, waxaana uu xusay in iyadoo laga duulayo doorashadii taariikhiga ahayd ee 8-da January 2019 iyo xilwareejintii Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Puntland la samayndoono xafladda habmaamuskeedu sareeyo oo lagu caleema saari doono Madaxda cusub ee Dowladda Puntland.

“Waxaan galabta kulan la yeelanay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Dani iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, kulan kaasi waxaa lagaga hadlayey xafladda caleema saarka Madaxda cusub ee dowladda Puntland, maadaama aan galnay doorasho aad u qurxoon, isla markaasna maanta xilwareejintii ay u dhacday si wanaagsan, waxaan u baahanahay inaan samayno xaflad aad u heersaraysa oo aan ku soo dhoweynayso Madaxda cusub, waxaan casumid doonaa, beesha caalamka, saxiibada Puntland, Madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Shire Xaaji Faarax.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online