Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay caleemo saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed (Masawiro)

January 16, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb-galay xafladda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, isaga oo kula dardaarmay in uu kasoo dhalaalo himilooyinka ay ka sugayaan bulshada Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo nabadeeynta.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, isagoona hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay wadashaqayn buuxda, si loo ilaaliyo qarannimada iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha amniga ku boorriyey in ay si dhaw ula shaqeeyaan Madaxweynaha cusub si loo gaaro himilada Dowlad Goboleedka iyo guud ahaan tan ummadda Soomaaliyeed.

Xafladda caleemasaarka ayaa waxa ka soo qayb-galay madax ka socotay goleyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, duubabka dhaqanka, Xildhibaanno iyo Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, wufuud ka socotay Urur-Goboleedka IGAD, Dowladda Itoobiya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo oo caawa u hoyanaya magaalada Baydhabo ayaa kulamo xog wareysi iyo wadatashi ah la yeelan doona madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed, si uu ugu kuur galo xaaladda nolaleed iyo midda amni ee deegaannadaas.

—– DHAMMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online