Madaxweynaha Jubaland oo la Kulmay Odayaasha Dhaqanka Degmada Dhoobley (Masawiro)

January 19, 2019 - Written by Editor
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose kulan kula qaatay mid kamid ah beelaha daga deegaanada Jubbaland.

Kulankan waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdirashiid Jire Qalinle Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe Bile haajir Sugaal Masuuliyiinta Howlgalinta Xoraynta Gobolka Jubbada Dhexe Odayaasha dhaqanka Haween dhalinyaro iyo Masuuliyiin kala duwan.

Kulankan ayaa lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka Bulshada loona dhamayn lahaa wixii tabashooyin ah ee jira isla markaana loo garab istaagi lahaa xoraynta Deeganada maqan ee Jubbaland oo ay dadaal xoogan ugu jirto Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Dhamaan Odayaasha dhaqanka iyo Dadweynaha kale ee kulankan kasoo qayb galay ayaa balan qaaday in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin dadaalka ay Dowladu ugu jirto xoraynta Deeganada maqan isla markana ay naf iyo maalba u hurayaan xoraynta Gobolka Jubbada Dhexe.

———Dhamaad ———

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online