Madaxweynaha Jubaland oo soo gaba gabeeyay Safarkii uu ku tagay Garoowe (Masawiro)

January 29, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland kadib safar uu ku tagay Magaalada Garowe halkaas oo uu kaga qayb galay Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Puntaland.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay Dadweyne farabadan iyo Masuuliyiinta Dowlada oo uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Gudoonka Baarlamaanka iyo Masuuliyiin kale.

Soo dhawayn kadib Madaxweynaha oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Munaasabada Caleemo saarka ee Garowe ay ahayd mid kulmisay Soomaali oo dhan isla markana ay ahayd fursad weyn oo dhamaan dadku ay isha ku hayeen waxaa uu intaas ku daray soo dhawayntii qiimaha lahayd ee loo sameeyay dadkii munaasabada joogay in ay ahayd wax lagu daydo oo wanaagsan.

Waxaa uu Madaxweynahu xusay in is aragaas uu dhaliyay in Madaxdu ay kulmaan oo ay Xaalada wadanka iyo sidii wada hadal rasmi ah loo yeelan lahaa ay wax iska weydiiyaan iyadoo loo dhan yahay DFS Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Madaxdii hore ee wadanka iyo Gudoonka Aqalka Sare taas oo la qorsheeyay in kulanka ugu horeeya lagu qabto Magaalada Garowe si looga wada hadlo khilaafka jira isla markana wadanka aayahiisa looga wada tashado.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in fursadaas ay sahleen Dowlada cusub ee Puntaland iyo duubabka dhaqanka oo uu ku amaanay sida isku soo dhawaanshaha dhinacyada ay uga shaqeeyeen isla markana la isku afgartay in wada hadal laga yeesho waxyaabaha lagu kala aragti duwan yahay.

Wakhtiga kulankaas ka horeeya ayuu Madaxweynahu sheegay in wixii dhiman laga sugayo Dowlada Federaalka ah in ay Xal la timaado maadama masuuliyada ay iyada saaran tahay waxaa uu Madaxweynahu intaas ku daray in niyad wanaag ay kala yimaadeen Garowe.

Dhinaca kale isaga oo ka hadlayay Howlgalada Xoraynta ah ee ay Dowlada Jubbaland wado wuxuu xusay Madaxweynahu in ayna wax dib u dhac ah ku keeni doonin marka la gaaro wakhtiga doorashada isagoo ka digay in dadka lagu beer Laxowsado in howlgalada socda ay Doorashada dib u dhigi karaan taas oo xaqiiqada ka fog.

Wuxuu carabka ku adkeeyay Madaxweynahu in gacana wadanka lagu xoraynayo gacana lagu qabanayo Doorashooyinka isla markaasna aan hal maalin dib loo dhigi doonin dhamaan dadka uu hanka Siyaasadeed ku jiro ayuu sheegay in ay yimaadan oo ay tartamaan iyaga oo aan khalkhal galin howlgalada lagu xoraynayo wadanka.

Dhamaan Bulshada ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay garab istaagan Ciidamada oo ay doorkooda qaatan isagoo xusay in dagaalkan ay Jubbaland kali ku tahay loona baahan yahay in la isku tashado.
.

DHAMAAAAAD.

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online