Madaxweynaha Jubbaland oo maanta booqday Saldhiga Ciidamada deegaanka Dhoobley .(Masawiro)

January 20, 2019 - Written by Editor

Kismaayo:-Ugu horayn Madaxweynahu wuxuu salaan sharaf ka qaatay Cutubyo katirsan Ciidamada isaga oo intaas kadib khudbad u jeediyay uu kaga hadlay dhinacyo kala duwan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in howlgalka xoraynta deegaanada maqan ay diyaar u yihiin oo dhaqaaq uu sugayo wuxuu intaas ku daray in dhawaan ay gacanta soo galayaan Degmooyinka Xagar iyo Badhaadhe iyo Gobolka Jubbada Dhexe isagoo sheegay in Ciidamadii shaqadaas qaban lahaa ay diyaar ku yihiin meelahii loogu tala galay.

Waxaa uu sheegay Madaxweynahu in Al-Shabaab ay dharbaaxo adag ku dhufteen Ciidamadu isla markana ay tuseen kharaarka ay leedahay guul darada iyo dhimashada kadib mudo badan oo ay dhiiga umada macno daro ku daadinayeen.

Madaxweynaha waxaa uu hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay yihiin fulayo shacabka u xoog weyn wuxuu tusaale usoo qaatay Xasuuqii soobe oo uu sheegay in dad aan waxba galabsan ay ku laayeen balse ay iloobeen in ay ka danbeeyan Ciidamo walaaladood ah oo u aar gudaya.

Waxaa uu Madaxweynahu amaanay Ciidamada Saldhiga Baarsanguuni ee Degmada jamaame kuwaas oo uu sheegay in Argagixisada ay dharbaaxo adag ku dhufteen waxaa uu sheegay in ay yihiin geesiyo shacabkooda u hiiliyay oo Argagixisada dhabarka ka jabiyay isagoo sheegay in ay taasi tusaale u tahay sida aanay Argagixisadu ugu babac dhigi karin Ciidamada Jubbaland howlgalkuna uu socon doono.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu Dowlada kenya uga tacsiyeeyay weerarkii dhawaan dadka aan waxba galabsan ay Argagixisadu la beegsadeen isagoo sheegay in ficilada Argagixisada dhiiranaan iyo ad adkaan uun laga sii qaadayo oo aan mara la niyad jabaynin wuxuu intaas ku daray in Dowlada Kenya waxa shacabkeeda loo beegsanayo ay tahay in laga leexiyo howlgalka ay Soomaaliya ka wadaan iyo gurmadka ay Shacabka Soomaaliyeed u fidiyeen taas oo aan mara hakad ku iman doonin.

Wuxuu ku dheeraday Madaxweynahu in Howlgalada ay bilaabanayaan Ciidamaduna ay guulaysan doonan isagoo Siyaasiyiinta Soomaalida ku booriyay in dagaalka Argagixisada loo midoobo oo wakhtiga Siyaasda la galinayo lagu bixiyo xoraynta wadanka.

——DHAMAAAAD——

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online