Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ee shalay la doortay.[Masawiro]

January 5, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 5 January 2019 qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabiley Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Kulanka uu Madaxwenaha Puntland la qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame waxaa ku wehelinayey saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa marlabaad ugu hambalyeey gudoonka cusub ee Golaha wakiilada dowladda Puntland guusha ay gaareen, isla’markaana xusey in Puntland ay gaartay bisayl siyaasadeed ayna mudan tahay in looga daydo sida hofnaantale ee ay u qabsoontay doorshada Gudoonka Golaha wakiillada.

Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa Madaxweynaha Puntland uga mahadnaqay hambalyada, dhiirigelinta iyo dedaalka uu ugu jiro qabsoomidda doorashada Puntland, waxaana ay xaqiijiyeen in ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadkooda shaqo.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay gudoonka cusub ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland in ay ku shaqeeyaan cadaalad iyo hufnaan maadaama ay yihiin indhihii ay fiirsanayeen shacab Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland u sheegay in Puntland ku jirto maalmo taariikhi ah, Isla’ markaana ay mudan tahay in maalmahaasi laga ilaaliyo wax kasta oo carqaladaynaya, waxaana uu Madaxweynuhu kula dardaarmay shacabka Puntland in ay ka feejignaadaan dhagarkasta oo ay cadawgoodu maleegi karaan.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online