Madaxweynaha Puntland oo loo kordhiyay wakhtiga uu ku soo dhisayo Golahiisa Wasiirada (Masawiro)

January 22, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta 22 January 2019 horgeeyey Golaha Wakiillada Dowladda Puntland codsi mudo kororsi ah oo ku saabsan magacaabidda Golaha Xukuumadda Puntland, mudada uu Madaxweynuhu ka codsaday Golaha Wakiillada Puntland ayaa dhammayd 14 cisho.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Golaha Wakiillada Puntland uga mahadceliyey kalsoonida ay ku doorteen 08 January 2019, isla markaana ay u garteen inuu noqdo Madaxweynaha Puntland ee shanta sano ee soo socota.

“Waxaa sharaf weyn ii ah inaan hor imaado golaha oo ku jira kalfadhigiisa caadiga ah ee maalmeed, sidaad la socotaan waxaa kalsoonidii aan ku shaqayn lahaa isiiseen 08 January 2019 oo idoorateen inaan shanta sano ee soo socota noqdo Madaxweynaha Dowladda Puntland aad iyo aad Ayaan idiinka mahadcelinayaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa Golaha Wakiillada Puntland ka codsaday muddo kororsi ku aadan magacaabidda Golaha Xukuumadda Puntland, waxaa uu Madaxweynuhu ka hor akhriyey codsigaasi mudanayaasha Golaha Xukuumadda Puntland.

“Sida uu dhigayo Dastuurka dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad farqadiisa 4-aad, qodobka 64-aad farqadiisa 16-aad, markaan la tashaday Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland waxaa nala haboonaatey inaan waydiisano Golaha Wakiillada Dowladda Puntland mudo kordhin 14 maalmood ah oo ka bilaabmaysa 28 January 2019” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland

Ugu danbeyn, Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku aqbalay codsiga Madaxweynaha Dowladda Puntland ku dalbaday muddo kordhin loogu sameeyo, wakhtiga laga rabo inuu soo dhiso Xukuumadda cusub ee Dowladda Puntland, 45 xildhibaan ayaa u codeeyey oo aqbalay codsiga Madaxweynaha Puntland.

=—–DHAMMAAD——=

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online