Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Garoowe Ku Qaabiley Safiirada dalalka Caalamka ee Soomaaliya. (Masawiro)

January 31, 2019 - Written by Editor
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabiley Safiirada Dalalka Imaaraadka, Sweden, UK, Germany, Qadar, Suudaan, Masar, iyo safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya .

Kulamada uu Madaxweynaha Puntland la qaatay Safiirada dalalka saxiibka dhow la ah Soomaaliya ayaa u jeedkiisu ahaa hambalyo iyo bogaadin ku aadan guushii doorashada Puntland 08 Janaayo 2019, isbarasho guud iyo dar-dargalinta wadashaqaynta Puntland iyo beesha caalamka.

Madaxweynaha Puntland oo ka duulaya kalsoonida uu ka haysto bisaylka siyaasadeed ee Puntland ka jira ayaa safiirada Dowladdaha Caalamka u soo bandhigey qorshihiisa hogaamineed ee beesha caalamka, isla’markaana waxa uu Madaxweynuhu dhan walba ka tusay Safiirada in Puntland ay u jiheysatey horumarinta kaabeyaasheeda dhaqaale, mid maalgashi iyo wanaajinta xidhiidhka beesha caalamka iyo Puntland.

Safiirrada dalalka Imaaraadka, Sweden, UK, Germany, Qadar, Suudaan, Masar, iyo safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya oo qayb ka ahaa wufuuddii caalamiga ahayd ee kasoo qayb-gashey caleema saarka Madaxda cusub ee Puntland ayaa Madaxweyanaha ugu hambalyeey guushii 08 Janaayo 2019.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadnaqay Safiirada iyo diblamaasiyiinta wehelinayseyba booqashada iyo hambalyada ay ugu yimaadeen, waxaana uu Madaxweynuhu xusey in uu kordhindoono wadashaqaynta Puntland iyo Beesha caalamka.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online