Madaxweynaha Puntland oo Qada Sharaf u Sameeyey Musharixiintii la Tartamay (Daawo)

January 10, 2019 - Written by Editor
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo taariikhdu tahay 10 January 2019 qado sharf u sameeyey musharixiintii u tartantay xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Munaasabada qado sharafta ah ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Eng, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaji Cumar Camey iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Dowladda Puntland iyo marti Sharaf kale.

Dhinaca kale munaasabadda qado sharafta ah oo uu sameeyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daarneed kala xog qaadasho iyo sidii musharixiinta iyo madaxweynuhu uga wada shaqayn lahaayeen taaba galinta iyo horumarinta hanaanka dowladnimo ee Dowlada Puntland ay ku tilaabsatay

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne, Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, iyo ku xigeenkiisii Eng, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaa qaatay qada sharafta kadib kulan gaar ah oo ay kaga arrinsanayeen arrimo masiiriya oo khuseeya danaha Puntland iyo kan Soomaaliyeedba.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online