Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madxtooyada Garoowe Ku Qaabiley Qunsulka Cusub ee Itoobiya u Fadhiya Puntland.[Masawiro]

January 29, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo taariikhdu tahay 29 January 2019 qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Qunsulka Cusub ee Itoobiya u fadhiya Dowladda Puntland Gen Mabratu Waldo Aragay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa kulanka uu la qaatay qunsulka cusub ee Dowladda Itoobiya u soo magacawday Dowladda Puntland Gen. Mabratu Waldo Aragay waxaa qayb ka ahaa saraakiil ka tirsan xafiiska qunsuliyada Itoobiya ee Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Qunsulka cusub ee Itoobiya u fadhiya Puntland ayaa ka mahad naqay sida maamuuska iyo meeqaamka sare leh ee Madaxweynaha Puntland ugu qaabiley xafiiskiisa, waxaana uu qunsulku sheegay in uu dar-dargalinaayo wada-shaqaynta Puntland iyo Itoobiya.

Dhinaca kale qunsulka cusub ee Itoobiya u fadhiya Puntland Gen. Mabratu Waldo Aragay ayaa badalay qunsulkii hore Itoobiya u fadhiyey Dowladda Puntland Mudane Asmalaash oo mudo 13 sano hayey xafiiska.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qunsulka cusub uga mahadnaqay booqashada uu ugu yimid, sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Itoobiya iyo Puntland ay yihiin deris, ayna wadaagaan soohdimo muhiima, isla mar’ahaantaana waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inay ka go’antahay dar-dargelinta wadashaqaynta ka dhexaysa Itoobiya iyo Puntland, Madaxweyne Deni ayaa ka guddoomey Qusulka hadiyado ka kooban hiddiyo dhaqanka Soomaalida.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online