Madaxweynaha Puntland oo Quraaac Sharafeed u Sameeyey Madaxweynaha DFS iyo kuwa Maamulada Dalka

January 27, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka 27 January 2019 quraac Sharafeed ugu sameeyey qasriga Madaxtooyada Puntland Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Maamulada dalka.

Kulankan quraac sharafeedka ah ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shariif Shiikh Axmed Madaxweynihii hore ee Puntland ahna xildhibaan aqalka sare ah Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha DFS Soomaaliya iyo Maamullada dalka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha DF Soomaaliya, Madaxweynaha Dowladda Puntland, Madaxda Maamullada dalka iyo Madaxda kale ee qaybta ka ahayd quraac sharafeedka ayaa qaatay shir gaar ah oo ay kaga hadlayaan arrimo muhiim ah oo khuseeya danaha ummadda Soomaaliyeed.

=DHAMMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online