Madaxweynaha Puntland oo Sagootiyey Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya.[Masawiro]

January 29, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta 29 Janaayo 2019 sagootiyey Madaxweynaha dowladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefti balaadhan oo uu gogaaminayey.

Sagootinta weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliyeed ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland iyo ku-xigeennadiisa, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa tilmaamay in dowladda Puntland iyo shacabkeedaba si sharaf iyo wanaag ku jiro ku sagootinayaan Madaxweynahooda ummadda Soomaaliyeed,

“Waxaa sharaf weyn noo ah inaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aan sagootino isaga iyo weftigiisaba, Madaxweyne Farmaajo iyo weftigiisu waxa ay Puntland ku sugnayeen muddo sadex cisho ah, kuwaasi oo nagala soo qayb-galay xafladdii caleema saarka ee natiijadii ka dhalatay doorashadii Puntland 08 Janaayo 2019” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in fursad qaaliya ay u ahayd Madaxweynaha DFS ka qayb-galka caleema saarka Madaxda Puntland maadaama ay sabab u noqotay kulamo wax ku ool ah oo uu la qaatay dowladdaha xubnaha ka ah DFS.

“Sidoo kale waxaan ku faraxsannahay mudadii yarayd ee uu joogey Madaxweynaha Soomaaliya inuu fursad u helay kulanka Madaxda dowladda Xubnaha ka ah DFS iyo Madaxdii hore ee dalka, waxaan aad ugu mahadcelinayaa mudadii uu joogey sida wanaagsan ee uu arrimaha qaranka u agaasimey, waxaan rajaynaynaa haddii Alle idmo maalmo danbe iyo safaro danbe inaan isu soo noqondoono si halkaa looga sii amba qaado nidaamka dowladdnimo iyo kan Fadaraalka” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda Puntland uga mahadceliyey soo dhoweynta habmaamus kale ee ay marwalba ku sharfaan iyo sagootinta gebagebada safarkiisa.

“Mudane Madaxweyne adiga iyo bulsho weynta reer Puntlandba aad baan idiinka mahadcelinaynaa aniga iyo weftigayga sida wanaagsan ee sharafta badan, walaaltinimadale ee Soomaalinimada leh aad marwalba noosoo dhoweysaan, waxaan uga faa’iidaysanay caleema saarkii inaan hawlo qaranku leeyahay aan ku qabano oo aan balan-rasmiya ku galo Madaxda dowlad Goboleedyada Garoowe haddi Alle idmo inagoo nabada ayaynu kulmidoonaa”. Ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online