Madaxweynaha Puntland oo U Mahadnaqay Madaxdii ka soo qeyb gashay xafladii Caleemasaarkiisa (Daawo)

January 28, 2019 - Written by Editor
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Dani

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Dani ayaa maanta 28 Janaayo 2019 mahad balaadhan u jeediyey Madaxweynaha dowladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Masuuliyiinta kasoo qayb gashay xafladda caleema saarka madaxda cusub ee dowladda Puntland.

Mahadnaqa Shirka Jaraa’iid ee Madaxweynaha Puntland ayaa daranaa inuu u mahadceliyo Madaxdii Soomaaliyeed ee soo ajiibtey kasoo qayb galka xafladda caleema saarka, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu shacabka reer Puntland ku amaanay sida ay uga qayb qaateen maalmaha taariikhiga ah ee Puntland.

“Waxaan halka ku qabanaynaa Shir Jaraa’iid oo aan doonayno inaan ka mahadcelino xafladdii caleema saarka ee bishan 26 Janaayo 2019 ka dhacday magaalada Garoowe, marka u horaysa waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyanaha DFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha shacabka Soomaaliyeed Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Goleyaasha dowladda Fadaraalka Soomaaliya Madaxdii hore ee dalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed, sidoo kale Madaxda dowladdaha xubnaha ka ah DFS, JUbbaland, Koonfurgalbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle” Ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahadceliyey Guddomiyaha Gaarisa iyo weftigiisii ee dalka Kenya, Safiirrada dowladdaha aan saxiibka nahay ee kasoo qayb galay xafladda caleema saarka, ciidamada qalabka sida ee sigay amniga, Guddiga qaban qaabada xafladda, fanaaniinta hobolada Waaberi Puntland, fanaaninta kale ee ka timi dalka debeddiisa iyo warbaahinta Puntland oo door muhiima qaadatay.

“Sidoo kale waxaan rabaa inaan halkan uga mahadceliyo Guddomiyaha Gaarisa iyo weftigii xildhibaanada iyo Santarada ahaa ee wehelinayey, safiirada dowladdaha aan saxiibka nahay, marti sharafta kale ee dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba noogatimi, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Guddigii qaban-qaabada xafladda caleemasaarka Madaxda cusub ee Puntland oo masuuliyad balaadhan iska saaray intii ay socotey hawshaasi.”

“Mahadgaara waxaan u celinayaa ciidamada qalabka sida oo suurageliyey Alle kasokow inay wax inoogu qabsoomaan si amaana oo xasiloon, dhinaca kale waxaan rabaa inaan u mahadceliyo fanaaniinta hobolada Waaberi Puntland iyo fanaaninta kale ee inooga yimi dalka dibaddiisa, Warbaahinta oo doormuhiima qaadatay” Ayuu Yiri Madaxweynaha dowladda Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hoosta ka xariiqay in caleema saarka Madaxda cusub ee Puntland uu abuuray fursad aad qaali u ah oo ay isku arkeen Madaxda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isla markaasna abuurtay fursad aad u weyn oo ummadda Soomaaliyeed ay ku wadakulmaan.

=DHAMMAAD=

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online