Madaxweyne Farmaajo oo kala hadlay duubabka dhaqanka hawlaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed

January 17, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wadatashi ah kula qaatay magaalada Baydhabo odayaasha iyo duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa ku ammaanay kaalinta ay ka gaysanayaan taabbo gelinta hawlaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada deegaannadan.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay sida shacabka ay ugu dhego nugul yihiin duubabkooda dhaqanka, taasoo ay tahay in lagu xoojiyo dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey odayaasha dhaqanka uu la kulmay kaalinta ay ka qaateen samata bixinta dalka, iyagoona u soo dhabar adaygay dadkooda waqti ay jireen duruufo aad u adag.

Dhankooda, duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha xaaladda guud ee deegaannada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, iyagoona la wadaagay talooyinkooda iyo aragtiyaha ay qabaan dib u xoreynta degmooyinka wali ku jira gacanta argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii labaad ku sugan magaalada Baydhabo ayaa kulamo wada tashi iyo is-xog waraysi ah la yeelanaya Hoggaanka iyo waxgaradka deegaanka.

—–DHAMMAAD —-

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online