Madaxweynihii Hore Ee Puntland oo Madaxtooyada Garoowe Ku Soo Dhoweeyey Madaxweynaha Cusub ee Puntland.[Masawiro]

January 9, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 09 January 2019 qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ku soo dhoweeyey Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Kaaraash.

Kulanka uu laqaatay Madaxweynihii hore ee Puntland Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland ayaa waxaa ku wehelinaayey Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey masuuliyiin ka tirsan gelyaasha dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shalay 08 January 2019 ku guulaystey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ee shanta sano ee soo socota, ummadda Soomaaliyeed, shacabka reer Puntland, beesha caalamka iyo dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa qiray in Puntland ay ka dhacday doorasho xor iyo xalaala oo taarikhdu ay xusidoonto

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kusoo dhoweeyey Madaxweynaha cusub iyo masuuliyiinta wehelinayseyba qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe, waxaana ay wadayeesheen kulan gaara oo ay kaga wadahadleen arrimo muhiim u ah dowladda Puntland iyo shacabkeeda.

Ugu danbeyntii, Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa masuuliyiinta dowladda Puntland iyo shacabka Puntland kula dardaarmay inay ilaaashadaan sharaftooda karaamadooda, dowladdooda iyo wada jirkoodaba, kana wada shaqeeyaan kobcinta horumarka Puntland maanta ka jira.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND
.

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online