PUNTLAND UURAYSATAY BAL AAN ARAGNO WAXAY UMULI DOONTO!

January 7, 2019 - Written by Editor

Leicester:- Waxay ummadda reer Puntland meel kasta oo ay joogaan afka ku hayaan dhegahana utaagayaan doorashada hadda deggaannada Puntland ka socota oo Madaxweyne cusub lagu dooranayo 08/01/2019.

Waxaan jeclaan lahaa inaan qoraalkan idinkula wadaago su’aalo ay iila muuqatay in la isweydiiyo oo gaar ahaan ay tahay inay isweydiiyaan ciddii ay ku weyntahay jiritaanka, horumarka iyo wax ka beddelidda qaabka siyaadda ee Puntland.

• Maxay dadku u yiraahdaan “Puntland way qaan gaartay” aasaaskii maamul dawladnimo 20 sano ka hor? Sida aan u fahmay, erayga ‘Qaan Gaar’ wuxuu xambaarasanyahay micnaha ah “Puntland waa dal soo maray marxalado koritaan iyo isbeddello kala duwan, haddana soo gaaray heer laga dheehan karo horumar iyo bisayl siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulshaba. Haddaba marka aynnu si xigmad iyo daacadnimo ku saleysan arrimahaas wax isakaga weydiinno, ma oran karnaa Puntland way ku sifowday micnahaas maanta? Mise ujeeddada ugu weyn ee erayga “Qaan Gaar” looga danleeyahay waa tirada inta sano ee ka soo wareegtay waqtigii la aasaasay maamulka dawlad goboleedka?

• Hadday Reer Puntland garowsanyihiin meesha ay geeddiga ka soo bilaabeen, maanta ma yaqaanaan meesha ay u socdaan?

• 5-ta ama 10-ka sanno ee soo socda maxaa la rabaa inay Puntland ku talaabsato? xaggee bayse rabtaa inay Puntland gaarto? Muxuuse shacabka reer Puntland higsanayaa oo maanka ku hayaa? Shaki kuma jiro, muranna lama gelin karo in Puntland xagga dhismaha magaalooyinka, ganacsiga iyo nidaam dawladeedba ay ahayd ban ka abuur markii burburkii Soomaliya koonfurta ka dhacay oo dadkii ka soo badbaaday iyo kuwii horay u deganaa dib u midoobeen.

Laakiin fakhri kamay ahayn xagga kala dambeynta, isku dulqaadashada iyo hoggaan dhaqameed fac weyn, fiiro dheerna leh. Horumar la’aanta degaannada Puntland ka jirtay waqtigaas waxay ku timid hoggaankii siyaasaddiisu ahayd “jid walbaa Muqdishu buu ku dhammaadaa iyo hantida ummadda hal danbiil ha lagu wada guro” iyada oo ay Puntland taasi u dheerayd burburkii iyo xasuuqii sida gaarka ah loola beegsaday oo iyaga lagu tijaabiyay.

Haddaba shacacbka reer Puntland waxaan filayay inay la soo gudboonaatay arrinta sheekadan hoose oo kale. “Nin baa habeen isagoo socdaal ah oo guureynaya ayuu hortiisa ka arkay wax madow oo
fadhiya. Wuuna ka baqay oo bartiisii buu yurursaday. Markii waagii u beryay buu arkay inuu wixii uu ka cabsanayay habeenkii oo dhan yahay ‘kurtun’. Markaas buu wuxuu yiri: Kurtunow ma waxaan ku mooday mise waxaad noqotay iyo waxa aan loo noqon doonin. Waxaan ku
moodayay bahal i cunaya laakiin kurtun baad igu noqotay, waxaana loo noqon doonin guure habeennimo oo dambe”.

• Maxaa ka khaldan nidaamka siyaasadda iyo hoggaanka Puntland?

Waxaa jira dad ay xirfad u tahay ama isku hawla falanqaynta siyaasadaha. Laakiin aniga fikrad ahaan, waxay iila muuqataa in shacabka reer Puntland dhinac kasta oo la eego fakarkoodii iyo
awooddoodii oo dhan isugu geeyeen in ‘shakhsi’ uun laga hadlo. Gaar ahaan marka doorashadan oo kale soo dhawaato. Markii nin ku guuleystana waxay shanta sano ku dhammaataa isagoo falanqayntiisa, madaxtooyada uu fadhiyo iyo muxuu qabtay lagu mashquulsanyahay? Filosofarkii Giriigga ee Socrates ayaa laga soo xigtay oraahdan:

“Dadka garaadka badan lihi waxay ka wada hadlaan fikrado, dadka garaadka aan sidaas u sii weynayn lihina waxay ka wada hadlaan dhacdooyin, dadka aan garaadka badan lahaynna waxay ka wada hadlaan dad” Miyaan loo jeedin in guusha iyo guuldarradu ku xiranyihiin tayada nidaamka dawladadeed oo dhan oo Baarlamaanku ugu horreeyo? Marka xildhibaannada la soo xulayo, shacabka waxaa hal-hays u ah: “Nin aqoon leh lama rabo (gabar wax taqaan iyo midaan wax aqoonba iyada meesha ka saar), Nin damiir leh lama rabo, Nin dadka wax u qabanaya lama rabo, Nin aan tuug ahayn oo ilaahay ka cabsanaya lama rabo …….” Su’aashu waxay tahay cidda aan rabin?

Miyaysan shacabka reer Puntland weli dareemin in dalka iyo dadku hal shakhsi ahayn? Miyaanse weli la dareemin in hoggaamiyihii yimaad daaba uu habdhaqanka, fikirka iyo garashada dadweynaha guud ku shaqeeyo? Soomaali baa horey ugu maahmaahday “Geed walbaa mirahiisuu dhalaa? Sidee isbeddel ku imaanayaa haddii bulshadu mid qabiilka iyo qabyaaladda rabta tahay?, haddii caddaalad darrada iyo hufnaan la’aanta siyaasadeed nolosha ka mid noqdeen?

Haddii Madaxweynaha, xildhibaannada, wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kaleba cid la xisaabtanta iyo nidaam lagula xisaabtamaaba jirin? Goormaa la isweydiinayaa sida wax looga beddeli karo nidaamka siyaasadeed ee 20kii sano oo la soo dhaafay lagu jiray? Goormaase laga hadlayaa laguna heshiinayaa sida looga gudbi karo caqabadaha jira? Goormay soo baxayaan aragtiyo iyo doodo qaan gaarnimo ka muuqato iyadoo wax kastaa ku wajahanyihiin danta guud iyo horumarka ay shacabka reer Puntland u qalmaan 20 sano kaddib? Mise xaalku waa afkii reer Xamarka ee “jug-jug meeshaada joog” iyo shanta sano inoo tiriya? Goormaa laga baxayaa “wallaahi anigaa wax kasta qabtay iyo
maadan qaban? Dadkuna yihiin daawadayaal iskugu bogaadinaya
“ Ma maqashey waxa hebel yiri, internetka bay ku jirtaa? Intee dhallinyaro baa shaqo loo abuuray? intee bare baa la soo tababaray oo dugsiyada wax ka dhiga? Immisa dugsi bay dawladdu dhistay? Immisa bare bay mushaar siisaa? Intee ilmood baa lacag la’aan wax ku barta? Intee kalkaaliyayaal caafimaad iyo umuliso baa la tababaray? Booliis iyo ciidammo tiro sugan leh oo xirfad dhab ah leh ma dhisanyihiin? Xaggee joogaan? mushaar joogta ah ma la siiyaa? Biyo nadiif ah oo dawladi maamusho ma la cabbaa? Wax qabadka runta ah oo shacabka reer Puntland u baahan yihiin waa kuwaas iwm oo nolosha dadka wax ka bedelaya halka garoommo aan weligood dhammeystirmin iyo mashruucyo la mid ah (vanity projects) la isku jiidjiidanayo.

Ma la isweydiiyay waxa mashruucyada noocaas ah oo dawlado kale maalgeliyaan, weligoodna sidii la rabay aan u fulin xoogga loo saaro? Biyo la cabbo iyo dhisid garoommo, kee baa mudnaanta kowaad leh? “ Waxaan ku soo gabagabeynayaa qoraalka: BAL AAN ARAGNO EELKUU DHIGIYO AGAB WUXUU KEENO!

W/Q: Ruqia Aw-Mohamed Farah.
Leicester, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
« Dec    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online